War Deg Deg Ah: Faah Faahinta Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Hadaaftimo Iyo Puntland Oo Soo Bandhigtay Gaadiid Ay Somaliland Ka Qabsatay + Sawir.

0
204

Hadaaftimo(Foore) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland maanta ku dhex-maray degmada Hadaaftinimo ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Maamul Puntland ayaa soo bandhigay Sawirka Gaadhi ay Somaliland ka qabsadeen kaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa baabuurkii Guddoomiyaha Somaliland u qaabilsanaa gobolka Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag Maxamuud Xaamud Cumar.

Sida warkan lagu sheegay, Wefdiga Somaliland oo ku socday dhinaca magaalada Badhan ayaa waxa weeraray ciidamo ka tirsan Puntland, oo uu hoggaaminayo sida warkan lagu sheegay masuul Maamulkaasi ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali), halkaasi oo dagaal culus ku ku dhexmaray labada dhinac.

Wefdiga waxaa lagu weeraray nawaaxiga degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan, waxaana sida la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay laba askari oo dhinacyadii dagaallamay ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Bulshada ku dhaqan Hadaaftimo ayaa sheegay in wefdiga Somaliland ay dib u laabteen, islamarkaana ay Puntland ka qabsatay gaadhi Land Cruiser oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Badhan Maxamuud Xaamud.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ayaa hadda xaqiijiyay oo warbaahinta u sheegay in ay wefdiga Somaliland ka qabsadeen gaadhi kale oo nooca Teknikada ah kaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida sheegeen.

Balse waxa ay soo bandhigeen gaadhiga Gudoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland oo lambarkii Dawladda Somaliland uu ka lusho.

Dhinaca Somaliland wali kama hadal dagaalkaasi saaka dhacay iyo khasaaraha ay Puntland sheeganayso inay Somaliland gaadhsiisay.

Hoos Ka Eeg Sawirka Gaadhiga Gudoomiyaha Ee Ay Puntland Qabsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here