Waligaa Ma Maqashay Nin Diyaarad Daba Orday Si Uu U Joojiyo?, Maxaase Qabsaday?!!

0
84
Lawadaag Asxaabta...

Nin rakaab ah oo soo daahay ayey booliska dalka Ireland ku xireen garoonka caalamiga ah ee magaalada Dublin, ka dib markii uu diyaaradda oo dhaqaaqday ka daba cararay, isagoo ku qeylinaya duuliyaha si uu ugu joojiyo.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay wax yar ka dib7-dii aroornimo ee maanta oo Khamiis ah, xilliga dalkaas.

Ka hor inta aysan diyaaradda dhaqaaqin ayaa la arkayay ninkaas dhowr iyo 20 jirka ah oo ka codsanaya shaqaalaha garoonka ku sugnaa iney u celiyaan diyaaradda, maadaama uu ka mid ahaa dadka ku qoran iney raacaan.

Laakiin markii dambe wuxuu go’aansaday inuu ka daba ordo si uu cagihiisa ugu gaaro diyaaradda, oo markii hore uu ka soo daahay.

Wuxuu ku qeylinayay erayo uu ku lahaa duuliyaha diyaaradda, kaasoo uu ka dalbanayay inuu u joojiyo, si uu u fuulo.

Qof ka mid ah shaqaalaha Garoonka ayaa yiri “Mar qura ayuu ninku ka soo orday dhismihii gudaha garoonka, wuxuuna u cararayay dhanka diyaaradda”.

Duullimaadkaas dhacdada la yaabka leh ay ka dhalatay ayaa ku wajahnaa magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Goob jooge ayaa warbaahinta qaranka ee Ireland u sheegay in ninku uu “go’aan gaarsiisnaa” uuna doonayay inuusan diyaaraddaas marnaba ka harin.”

Marka uu daba ordayay waxa uu garabka ku watay boorsadiisa oo sidoo kale uusan diyaar u ahayn inuu ka tago.

Wariye ka tirsan BBC News oo goobtaas joogay ayaa sheegay in isla markiiba ay booliska u suurta gashay iney ninkaas gacanta ku dhigaan gacmahana ka xiraan.

Howlgalkaas waxaa ka qeyb qaatay ilaa saddex gaari oo ay booliska isticmaalayeen.

Duullimaadka oo ay carqalad la xiriirta dhacdadan ku timid ayaa markii dambe baxay, iyadoo diyaaradda ay wakhtigii loogu tala galay ka dib dhacday 21 daqiiqo.

Hase ahaatee waxaa la soo tabiyay in diyaaraddu ay wakhtigii loogu tala galay ka degtay garoonka magaalada Amsterdam.

Bayaan uu soo saaray afhayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dublin ayaa lagu yiri “Labo qof oo rakaab ah, oo kala ahaa nin iyo haweeney ayaa ka soo daahay duullimaadkii diyaaradda Ryanair ee saaka ku sii jeeday Amsterdam, waxay albaabka laga raaco diyaaradda yimaadeen xilli uu wakhtigii loogu tala galay dhammaaday oo la xiray.

“Waxay la hadlayeen shaqaalaha diyaaradda ee garoonka ku sugnaa, ninkuna wuxuu garaacayay daaqadda si diyaaradda ay u sugto.

“Horayba shaqaalaha ayaa ugu sheegay ineysan suurta gal ahayn in diyaaradda la gaaro, laakiin wuu iska dhaga tiray hadalkooda.

“Wuxuu isku dayay inuu celiyo diyaaradda oo dhaqaaqday waxaana qabtay booliska oo u kaxeeyay dhanka saldhigga ku dhex yaalla garoonka.

“Arrintaan ayaa hadda u taalla ciidamada booliska ee maxalliga ah”.

Shirkadda gacanta ku heysa garoonka caalamiga ah ee magaalada Dublin ayaa dhawaan warbixin ku sheegtay in rakaab ay tiradoodu gaareyso 14.7 malyan oo ruux ay garoonkaas mareen lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here