Waligaa Ha Aaminin!!- Ugu Dambayn Libaaxii Uu Korsanayay Ayaa Isba Dilay!

0
72

Prague (Foore)- Michal Prasek ayaa gurigiisa oo ku yaalla bariga dalka Czech Republic ku carbinayay libaaxan oo 9 sano jir ah iyo libaax kale oo dhaddig ah, waxaana maalmihii dambe soo badanayay walaac ay dadka deegaanku ka muujinayeen libaaxyadan.

Patric aabihii ayaa meeydkiisa ka helay xerada uu libaaxu ku jiray, waxa uuna warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu albaabku ka xidhnaa dhanka gudaha ah.

Libaaxyada ayaa ku noolaa hal xero balse mid kasta waxa uu ku jiray meel gaar u ah, waxaana toogtay booliskii lagu wargaliyay dhacdada oo goobta yimid.

Afhayeenka booliska dalka Czech Republic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay ahayd lagama maarmaan in la toogto libaaxyada si meydka ninka looga soo saaro gudaha xarada.

Mr Prasek oo 34-sano jir ahaa ayaa libaaxan isaga dilay soo iibsaday sannadkii 2016-kii, halka kan kalena uu soo iibsaday sannadkii hore.

Mar sii horreeysay ayaa ninkaan la ganaaxay kaddib markii lagu soo eedeyay in uu si sharci darro ah u carbinayo libaaxyada sababtoo ah ma uusan hay’san ogolaansho.

Balse markii dambe khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo maamulka ayaa xal laga gaaray kadib marki Mr Prasek uu diiday inay cid soo gasho gurigiisa.

Mr Prasek ayaa qabsaday bogagga hore ee warbaahinta kadib markii xagaagii hore uu nin baaskiil wado uu ku dhacay libaaxa oo uu banaanka u soo bixiyay si uu soo socodsiiyo.

Markii ay booliska soo dhex galeen dhacdadaasna waxaa dhacday in kiiska laga dhigay shil ay sababtay saxmad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here