Waddanka Jabuuti Oo Aad Uga Gubtay Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tagay Dalka Eritrea

0
68
Lawadaag Asxaabta...

Jabuuti, August 02, 2018- (Foore)- War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ku leedahay Magaalada Muqdisho Shalay ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay si weyn uga naxeen hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo intii uu booqashada ku joogay Magaalada Asmara iyo baaqii uu QM kaga codsaday inay cunaqabteynta ka qaado dalka Eritrea.

Waxa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo ahaa mid aad u kulul sidan“Shaki kuma jiro inay in Soomaaliya ay tahay dowlad xor ah xaq u leh iney xidhiidh diblomaasi ah la yeelato dalalka gobolka, balse ma aha wax la aqbali karo in walaalaheen Soomaaliyeed ay taageeraan Eritrea oo heysata dhul ay leedahay Jabuuti, welina diidan oo haysata maxaabiis Jabuutiyaan ah”.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Eritrea laga soo bilaabo sanadkii 2009 nabadgelyo iyo xasilooni darro ku heysay dalalka deriska la ah, iyadoo taageereysay ururo aragagixiso ah iyo muranka xuduudka ee ay kula jirto dalka Jabuuti.

Waxaa kaloo safaaradu ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si indho la’aan ah u taageertay Eritrea iyadoo aan wax qiime ah weydaarsan,waxaana qoraalka mid ahaa sidan“Looma dul-qaadan karo wadahadalka aan damqashada lahayn xilli ay ciidamadeena halkan u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Jabuuti ayaa si weyn uga cadhootay socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tegay Asmara iyo baaqiisii ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay inay habooneyd in madaxweynaha Soomaaliya uu soo hadal qaado dhibaatada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea sidii xal loogu heli lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here