Waddani Oo Eedayn Culus Ku Miisay Wasiirka Gaadiidka -“Cabdilaahi Waa Shakhsiyadii Qaranka Cayday, Ee Tidhi Somaliland Waa Argagixiso Oo Waa Alshabaab”

0
43
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 2, 2018- (Foore)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedayntii ugu cuslayd ku miisay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor oo ay ku sheegeen inuu Xukun Maxkamadeed ku dhacay wakhtigii Xukuumaddii Siilaanyo,islamarkaana uu yahay dambiile qaranka,Waxaanay Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu aad uga fiirsato Dadka uu xilalka u dhiibayo.

Xoghayaha Duulista Iyo Hawada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Nuuuradiin Cabdilaahi Diiini ayaa sidan ku sheegay maruu shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Cabdilaahi Waa Shakhsiyadii Qaranka Cayday,ee tidhi Somaliland waa Argagixiso oo waa Alshabaab,ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo Golihiisii Wasiiradda ee uu ka midka ahaa intaba Caynkaasi ku sheegay,waa lasoo jabeeyay oo Cabdilaahi Isagoo Dambi Culus (Criminal Case) lagu hayo oo dambiile qaran ah ayaa Maxkamad lasaaray Maxkamadiina waxay ku xukuntay inuu yahay Dambiile,iyo Saddex sanno oo Jeel ah,Odayaal ayaa uga gurmaday,Damaanad ayaa lagu soo daayay”.

Xoghayaha Duulista Iyo Hawada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Nuuuradiin Cabdilaahi Diiini ayaa waxa kale oo uu yidhi“Muuse Biixi Degreetooyinka uu Madaxtooyadda kasoo saaray Hoos umuu eegin,Shuruucdii dalka ee lagu doortay iyo Qarankii uu u dhaartayna muu ixtiraamine nin dambiile qaran ah ayuu wasiir ka dhigay oo uu magacaabay,Golaha Wakiiladduna  kii ayaanay Umadda ka celin ee ay sii daayeen,horta waxaan leeyahay Madaxweynaha,Talo ayaan ku siinayaa Madaxweyne Degreetooyinka aad soo saarayso inaga hubi,Cabdilaahi oo kale inaga Hubi”.

“Cabdilaani Mar ayaa Xil loo dhiibay oo Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadii Siilaanyo ayaa laga dhigay oo wuu isbuufiyay oo Qaranka ayuu caayay, Mar labaad ayaa laga dhigay Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil wuu isbuufiyay Sida xanjada oo Sheekh Saleebaan ayuu caayay oo uu ku yidhi “Waa Tuug aan salaada Tukan”,Mar saddexaad ayaa Wasiir laga dhigay oo Aniga iyo Qoyskayagii ayuu caayay, Afxumadu waa waxa uu la kawsaday”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Madaxweynuhu waa Askari Ciidamadda Cirka ah maantana waa Madaxweyne,Sharaf ha unoqoto oo wuxuu qaranka ku soo kordhiyay ha unoqotee,Waxaan leeyahay,Madaxweyne Ciidamadii Cirka dhis, Wasaaraddii Duulista iyo Hawadana soo celi,Siyaasad ahaan ha iska celiso Dhigeeda Soomaaliya eh”. Ayuu yidhi masuulkani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here