Waddan Shaqaale U Doonaya Qof Dadka Daldala Iyo Shuruudaha Laga Rabo Qofkan Oo Toddobaadkan La Shaacin Doono

0
151
Lawadaag Asxaabta...

Shaqooyinka dunida laga qabtaa waxa ay ku kala duwan yihiin masuuliyadda qofku hayo iyo waxan uu ka shaqaynayaa waxa uu yahay iyada oo aad yaabayso marka aad maqasho qisooyinka shaqooyinka qaarkood ama waxa uu qafku qabanayo. Tusaale ahaan in qofku ka shaqeeyo daldalaadda dadka marka lagu fulinayo xukunka dilka ahi waa shaqo ka mid ah shaqooyinka ugu adag ama ugu layaabka badan ee dadku ka shaqeeyo.

Waxa ay haddaba noqotay arrin xiiso leh oo warbaahinta dunidu aad uga hadashay markii Saraakiisha waddanka Srilanka ay dorraad Sabtidii shaaciyeen inay raadinayaan qof ay u qortaan inuu qabto shaqada deldelaadda dadka la dilayo, ka dib markii uu dalku muddo ka hor joojiyey ciqaabta dilka ah gaar ahaan nooca daldalaadda ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta ee dalka Sirilanka gaar ahaan qaybta xabsiyada ayaa waxa uu sheegay in la xayeysiin doono shaqadaas deldelaadda dadka ah todobaadkan gudihiisa isaga oo sheegay in qof kasta oo xirfaddaasi qaban karaa uu soo socdan karo iyada oo dib loo bilaabayo fulinta xukumadii dilka ahaa ee muddo dheer dalkaasi joojiyay balse imika dib loo bilaabi doono in xukuno dil ah lagu fuliyo dadka dilka ku xukuman ee xabsiyada isaga jira.

Srilanka laguma dilin qof maxbuus ah tan iyo sannadkii 1976-kii wakhtigaasi oo dawladda dalkaasi soo saartay xeer baajinaya in maxaabiista la xukumo dil lagu xukumo balse xukunka ugu dambeeyaa uu ahaan jiray xabsi daa’im. Kaasi oo wax ka baddal lagu sameeyey dhawaana dalkaasi soo saaray sharci jidaynaya in xukumadii dilka ahaa dib loo soo celiyo. Waana ta keenaysa in dawladdu naadiso dad shaqaale ah oo guta waajibaadka daldalaadda dadka lagu fulinayo xukumada dilka ah.

Arbacadii aynu soo dhaafnay ayuu Madaxweynaha waddanka Sirilanka Maithripala Sirisena ku dhawaaqay in qolyaha daroogada ka ganacsada ee isaga gudbiya dalkaasi iyo dalalka kaleba ee muwaadiniinta ah la dili doono, halkii lagu xukumi lahaa xabsi daa’in. isaga oo sheegay in nooca daldalaadda ahi uu waliba noqon doono ka xadhiga qoorta loo sudho ee nafta lagaga qaado qofka isaga oo sheegay ganacsiga daroogadu fara baas ku hayo dalkaasi.

Srilanka waxay si rasmi ah u shaqaaleysiisaa qof dadka dila, laakinse tan iyo 2014, dhamaanba seddexdii nin ee dadka dili jiray ayaa shaqadoodii si degdeg ah uga ruqsaystay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here