Waddan Muxaafad Iyo Mucaaradba Ka Cadhooday Markii Wasiirkooda Arrimaha Dibaddu Qoob Ka Ciyaar La Samaysay Madaxweyne Putin + Daawasho

0
402
Lawadaag Asxaabta...

Vienna, August 22, 2018-(Foore)- Dadweynaha waddanka Austria ee qaaradda Yurub ayaa cadho weyn ka muujiyey markii ay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda, haweenayda lagu magacaabo Karin Kneissl ay qoob- ka-ciyaar (Dance) la samaysay Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Puntin mudadii lagu jiray xafladdii meherkeeda oo ay Madax badan oo adduunka ahi ka soo qayb gashay.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Der Standerd oo Wargeyska Foore Warbixintan kasoo xiganayo, Wargeyska ayaa sheegay in ay dadweynaha iyo madaxda dalkaasi muxaafad iyo Mucaaradba aad uga xumaadeen hab-dhaqanka Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Karin Kneissl markii ay qoob ka ciyaar la samaysay Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin oo la sheego in ay aad isugu dhaw yihiin wakhti ay haweenaydani u dabbaal dagaysay xafladda Arooskeeda oo ka dhacaysay tuulo ay ka soo jeedo dhalash ahaan.

Wargeyska ayaa sheegay in dhaliisha loo soo jeediyey Haweenaydan Wasiirka ah lagu sheegay in ay sumcadda waddankeeda meel kaga dhacday oo ay si weyn u ceebaysay maadaama ay huwanayd sharafta waddan dhan in laga wanaagsanaa sidan ay u dhaqantay wakhti dad badan oo reer Austria ahi qoob ka ciyaarkaasi u arkeen hoosayn iyo is dhul dhigid ay ku dullaysay dalkeeda maadaama ay xil qaran oo weyn ka hayso.

Mucaaridka xukuumadda ka soo hor jeeda ayaa haweenaydan Wasiirka Arrimaha dibadda ah waxa ay ku eedeeyeen in ay Moscow u muujinaysay xidhiidh siyaasadeed oo qoto dheer oo ka xeel dheer xaflad aroos oo laga ciyaaro.

Vladimir Putin ayaa safka hore kaga jiray madaxda xafladda arooskeeda lagu soo casuumay kaasi oo dhacay toddobaadkan horraantiisii balse wargeyska Der Standerd ayaa cadadkiisii Salaasadii shalay waxa uu baahiyey qoraal uu si weyn ugu naqdiyey hab-dhaqanka wasiirka oo uu ku sheegay mid bah-dil ku ahaa dalkooda.

Karin Kneissl oo 53 Jir ah, waxa aroosay Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Wolfgang Meilinger waxaana u qabsoomay xaflad aroos oo dhaqan oo ay ka soo qayb galeen madax fara badani.

Markii uu Wolfgan fargashiga nikaaxa u galiyey xaaskiisa wasiirka ah waxa bilaabmay qaylo iyo sawaxan farxadeed waxaanu caruuskii Putin ku soo dahweeyey xaaskiisa si uu ula ciyaaro waxaana halkaasi ka dhacay qoob ka ciyaar loo yaqaano Vales.

Halkan Ka Daawo Xafladda Iyo Qoob Ka Ciyaarka Laga Cadhooday:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here