Waddan La Wareegaya Gurigii Uu Ku Dhashay Hitler Oo Ay Maalin Walba Soo Kordhayaan Dadka Ku Kulma Ee Wali Hitler Taageersani

0
95
Lawadaag Asxaabta...

Dawladda Waddanka Austria ayaa sheegtay in ay ka fakereyso sidii ay qaab sharci ah ula wareegi lahayd gurigii uu ku dhashay Naazigii Jarmalka Adolf Hitler kaasi oo kui yaalla waddankaasi muddo bandanna dadku u soo daawasho tagi jireen isaga oo wali qaabka dhismihiisu sidiisii yahay kaliyana lagu samayn jiray dayac tir iyo rajiyeyn.

Qorshahan ay Dawladda waddanka Austria ku dooneyso in ay kula wareegto gurigii uu ku dhashay Hogaamiyihii Naazigii Jarmalka ee Hitler ayaa ah mid lagaga soo horjeedo in dhismaha gurigaasi ay ku kulmaan dadka naaziyiinta ah ee wali taageersan lana dhacsan siyaasaddii Hitler oo sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa. Adolf Hitler, ayaa gurigan oo ku yaalla magaalada Braunau ayaa ku dhashay sannadii 1889-kii, waxaana dhismahani uu yahay mid qadiimi ah , waxaana sannado aad badan dhismahan kiro ka bixinaysay Dowladda Austria oo u adeegsan jirtay xanaanaynta dadka laxaadkoodu dhiman yahay mar walbana kud adaalaysay si aanay dadku uga dhigan xarun lagu maamuuso Hitler balse sannadihii ugu dambeeyey waxa soo kordhaya dadka soo booqanaya ee la dhacsan siyaasaddii Hitler.

Dawladda Austria ayaa hadda ka fakereysa sidii ay u heli lahayd sharci u ogolaanaya in ay wareegto lahaanshaha dhismaha gurigan iyo dhulka uu ku fadhiyo, waxaanay Dawladda Austria raadinaysaa qaabkii ay ula wareegi lahayd dhismahaasi. Dad u badan dalalka Yurub ayaa maalin walba soo booqda oo sawiro ku hor gala ama gudahaba u gala iyaga oo ay ka muuqato qiiro iyo sida ay u jecel yihiin hogaamiyihii Naaziga Jarmalka taasoo ka dhacaysiisay dad badan oo kale oo daafaha dunida ku kala nool gaar ahaan dalalka Yurubta Galbeed iyo Yuhuudda.

Dadka soo booqda guriga uu Hitler ku dhashay ayaa waxa khaati ka jooga xukuumadda Austria oo doonaysa in ay iska leexiso eedda dadkaasi soo kordhaya ee gurigan soo booqanaya iyaga oo taageersan fikradihii Hitler. Adduunka ayaa walaac ka qaba dadka soo kordhaya ee aaminsan afkaartii naazigii Jarmalka Hitler oo lagu xasuusto sidii uu u gumaaday malaayiin qof oo Yuhuud ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here