Waddan Cabsi Weyn Ka Qaba Sun Kiimiko Ah Oo Ku Dhex Luntay Iyo Walaaca Shacabka

0
63
Lawadaag Asxaabta...

Dowladda Malaysia ayaa baadigoobaysaa kiimiko la sheegay in horraantii bishan ay ka fakatay baabuur xamuul ah oo lasoo saaray.

Mas’uuliyiinta dalkaasi waxay sheegeen kiimikadan lagu kayddiyay makiinad ayna dhalin karto halis wayn wa haddii qaab aanan haboonayn loo burburiyo.

Sidoo kale waxaa jiraa cabsi ah in Kimiikadan loo adeegsado hub ahaan islamarkaasna ay gacanta u gasho gacan khaldan.

Mas’uuliyiinta dalka Malaysia waxay xaqiijiyeen in kiimikada la waayay balse waxay ku adkaysteen khatar oo ka imaan karta la xakameeyay.

Kiimikada waxaa iska lahayd shirkad u qaabilsan baaritaannada, cabiridda iyo kormeeridda shirkadaha soo saara shidaalka iyo shirkadaha kale ee awood wayn .

Kiimikadan oo lagu qiyaasay culayskeedu 23 kilo ayaa lagu soo warramaya in loo isticmaali jiray in lagu ogaado jabka iyo dilaaca ku yimaado biraha warshadaha.

Waxaana ku jiraa maadada iridium-192 taaso shucaac halis ah sii dayn karto ama loo adeegsan karo hub ahaan waa haddii lagu rakibo waxyaabaha qarxa.

Weli ma kala cadda in kiimikadan loo isticmaalo karo waxaa la yirahdo’ Bambaanooyinka wasakhda ah’ iyo in kale, iyadoona aanan la ogayn baaxadda ay la egtahay kiimikada ku dhex jirtay aaladda saarnayd baaburka xamuulka ah ee weli la la’yahay.

Halista kala dhalan karto

Sida laga soo xigtay ha’yadda maamusha hubka atoomikada caalamka, Kiimikada iridium-192 waxay dhalin karta dhaawac joogta ah waa haddii wax laga qaban daqiiqado ilaa saacado gudahood ama inay keenayso khatar wayn hadduu dhaawacu kasoo wareego saacado ama maalmo.

Madaxa booliska laanta kormeerka dalka Malaysia Maxamed Fuzi Haaruun ayaa sheegay in dhacdo lamid ah tani ay sannadkii hore ay dhacday islamarkaasna wax war ah aanan laga haynin kiimikada, sida ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Bernama

Booliska iyo warbaahinta maxalliga ayaa kusoo warramay in kiimikada uu qof ka dejistay baabuurka xamuulka ah uuna dusha saartay qofkaasi, waxayna arrintani markaasi ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur.

Waxaan la rumaysan yahay in la geeyay goob ku taalla duleedka caasimadda, waxaana loo sii qaaday deegaan kale oo aanan la sheegin.

Darawalada ayaa ku baraarugay in kiimikada ay maqantahay, labo nin ayaa la xiray si su’aalo looga weydiyo kiimikada balse markii dambe ayaa lasoo daayay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kiimikada la xaday halka kuwo kalena ay leeyihiin baaburka xamuulka ah ayay ka dhacday.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritanno inkastoo faahfaahin dheeraad ah uusan ka bixin sababta ka dambeyso in la waayo kiimikada halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here