Wadahadalkii Dalalka Masar Iyo Itoobiya Ee Biyaha Webiga Nile Oo Fashilmay + Xiisad Ka Dhalatay.

0
57

Madaxweynaha Dowlada Masar Abdulfatah Al sisi ayaa si adag u sheegay in Dowladiisu ay difaacanayso Xuquuqdeeda Biyaha wabiga Nile-ka, islamrkaasina ay qaadayaan talaabooyin Qaanuuni ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar Baasim Riyaadh ayaa sheegay in Daruuri tahay in beesha caalamka ay soo faragaliso Xiisadda ka alowsan Biyo xireenka Wabiga Nile-ka.

Hadalka Madaxweyne Al sisi ayaa yimid ka dib marka uu Guuldaro ku soo dhamaaday Shirka Wasiirada Kheyraadka Biyaha ee dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiooia ee ka socday Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Xukuumadda Adis ababa ayaa diiday inay ogolaato Talo soo jeedin ka timid Masar oo ah in Saamiga ay ka hesho Biyaha wabiga Nile-ka aan wax laga bedelin.

Dowladda Maraykanka ayaa sedexda dowladood ee Masar, Suudaan iyo Ethiopia inay ku heshiiyaan Saamiga ay kala helayaan Biyaha Wabiga Niilka si dalalkaasi ay u gaaraan nolol baraare leh.

Bishi March sanadii 2015 ayay dowladaha Suudaan, Masar iyo Ethiopia waxay kala saxiixdeen heshiish is afgarad ah oo lagu xalinayo Muranka ka dhashay Biyo xireenka wayn oo ay dhisanayso dowlada Ethiopia.

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo burqadaan Wabiga Niilka halka Dalalka Suudaan iyo Masar ay yihiin dalalka hela qulqulka biyaha wabiga niilka.

Nolosha in ku dhow Boqol Malyuun oo qof oo Masaari ah ayaa ku tiirsan Biyaha wabiga Niilka, mana laha dalka Masar biyo kale oo ay cabaan dadkiisa ama ay u adeegsadaan waraabka beeraha ku teedsan wabiga Niilka.

Dowladda Ethiopia ayaa dhismaha Biyo xireenkeeda Bilowday sanadii 2011 kaasoo hada soo idlaaday intiisa badan, waxayna doonaysaa inay ka dhaliso Koronto si ay uga Faaideysteen dadkeeda iyo dalalka Afrika.

W/Q: Husein Sahnuni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here