Waayihii Nololeed Ee Wariyaha Sucuudiyaanka Ah Ee Lagu La’ Yahay Turkiga

0
135
Lawadaag Asxaabta...

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashoqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Berigii uu Afghanistan tagay

Ninkan 59 jirka ahi wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey.

Intii uu ka shaqaynayey wargeyska Al-Madina sanadihii sagaashameeyadii, wuxu aad waxa uga qoray mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee Afghanistan u tagey si ay halkaa ugula dagaalamaan Soviet-kii ku duulay.

Wuxuu dhawr waraysi la yeeshay Usaama Bin Laadin oo uu sheegay in uu dhalinyaranimadiisii ku yaqaanay Sucuudiga.

Berigaa Bin Laadin aad uma soo shaac bixin oo Galbeedka lagama aqoon inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacida.

Khaashoqji wuxu ugu tagay godadka buuraha Tora Bora, waxa kale oo uu ku waraystay Sudan sanadkii 1995-kii.

Sannadkii 2011-kii oo muddo ka soo wareegtay markii uu Usaama waraystay, ayaa Khaashoqji laftiisa uu wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ka waraystay xidhiidhkii isaga iyo Usaama Bin Laadin la haayeen.

Khaashoqji waxa uu waagaa qirtay in uu markii hore Bin Laadin la qabay in sifo aan dimuqraadi ahayn lagu dhex galo hannaanka siyaasadeed ama xeelado colaadeed la adeegsado si dunida Carbeed looga xoreeyo xukuumadaha musuqa ah.

Difaaca isbedellada

Laakiin wixii intaa ka dambeeyey weriyahaasi waxa uu noqday mid ka mid ah mufakiriinta ugu codka dheer dalka, had iyo goorna waxa soo xigan jirtay warbaahinta Galbeedka oo u arkaysay inuu khabiir ku yahay ururada xag jirka ah ee Muslimiinta ah.

Sidoo kale waxa loo arki jiray in uu ahaa nin aad ugu xidhan oo ku dhaw dawladda Sucuudiga, isla markaana xidhiidh fiican la leh qoyska Boqortooyada.

Wuxu ka shaqeeyey dhawr wargeys oo Carbeed iyo TV-yo, waxaanu ka bilaabay shaqada weriye arimaha dibada ka soo warama markii dambena waxa uu u dallacay tifaftire guud.

Laba jeer ayuu iska casilay shaqadii uu ka hayey wargeyska Al-Wadan oo mar waxay ahayd 2003-dii iyo mar dambe oo ahayd 2010-kii sababtuna waxay ahayd [in wargeysku diiday baahinta] maqalladdiisii aadka u dhaliilayey dariiqada Islaamka ee Sucuudiga lagaga dhaqmo ee Salafi-ga oo ah dariiqo fahamkeeda diineed yahay mid qallafsan.

Sannadahaa uu ka maqnaa shaqada weriyenimo ee u dhaxaysay labadaa goor Khaashoqji dalka wuu ka baxay oo wuxu la taliye dhanka warbaahinta ah u ahaa Amiir Turki Al-Faysal, taliyihii hore ee sirdoonka, oo markaa laga dhigay danjiraha Sucuudiga u fadhiya Ingiriiska markii dambena Maraykanka.

Sannadkii 2010-ii ayaa ninka maalqabeenka ah ee Al-Waliid Bin Dalaal waxa uu Jamaal Khaashoqji u magacaabay in uu madax ka noqdo TV cusub oo uu ka furay Baxrayn.

Bilowgii Kacdoonka Carabta

Telefishanka Al-Carab waxa u meel maray in uu ahaa mid la tartamaya Al-Jazeera oo Qatar ay maal geliso.

laakiin isla markii uu hawada galayba, telefishankii cusbaa ee uu Khaashoqji hogaanka u hayey waa la xidhay oo waxa lagu qoonsaday waraysi uu la yeeshay shakhsi mucaarad ku ah Baxrayn.

Intii uu xitaa madaxa ka ahaa Telefshinkaa, Khaashoqji waxa u waraysiyo siin jiray warbaahinta shisheeye waxaanu ku dhaliili jiray Boqortooyada talada dalka Sucuudiga keligeed gacanta ku haysa oo waxa uu odhan jiray waxa lama huraan u ah xasiloonida mustaqbalka ee dalkiisa hannaan dimuqraadiyadeed.

Markii uu bilaabmay kacdoonkii Carabtu, Khaashoqji wuxu la saftay mucaaradkii doonayey in dalalka Masar iyo Tunisia isbedel ka hirgalo.

Go’aankiisaasi waxa uu toos uga hor yimid siyaasadda Boqortooyada Sucuudiga oo kacdoonkii Carabta u arkaysay inuu khatar ku yahay jiritaankeeda.

Trump baa la isku seegay

Bishii Diisember 2016-kii markii dhaxal sugaha taajka boqortooyadu doonayey inuu xidhiidh fiican la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo markaas uun la doortay, ayaa la sheegaa in Khaashoqji aad u dhaliilay xidhiidhkaa.

Warbaahinta Carabtuna waxay sheegtay in qoraalladii uu arintaa ka qoray in la mamnuucay baahintooda sababtuna ay taas ahayd.

Khaashoqji waxa kale oo uu aad ugu dhaliilay xukuumadda Sucuudiga go’aankii ay xidhiidhka ugu jartay Qatar, waxaanu ku tirtirsiyay Boqoortooyada in ay la safato Turkiga oo ay xulufo yihiin Qatar marka ay timaad siyaasadaha gobolka.

Suxufigan ruug caddaaga ahi waxa uu Maraykanka u dhoofay bishii Sembtember 2017-kii isagoo markaa ku eedeeyey hogaamiyaha aan xilka ku magacownayn ee taladu gacanta ugu jirto ee Sucuudiga, waa dhaxal sugaha taajka boqortooyada e Maxamed Bin Salmaan in uu ugaadhsanayo ciddii mucaaradda.

‘Putin buu iska dhigayaa’

[Khaashoqji oo ka hadlaya hab dhaqanka Maxamed Bin Salmaan ayaa wuxu qoray] “Waxaan gurigaygii, qoyskaygii iyo shaqadaydiiba uga firxaday waa in aan aragtidayda cabiray” waxaanu intaa ku daray “in aan waxa jira ka aamusaana waxay ila noqontay in aan khiyaamaynayo dadka jeelka ugu jira xorriyadda hadalka. Haatan waan hadli karaa oo waxaan haystaa fursad aanay dad badani haysan”.

” Waxaan leeyahay Maxamed Bin Salmaan sida Putin buu u dhaqmayaa oo caddaaladiisu waa la jiifiyaana bannaan” ayuu ku yidhi maqaal uu ku qoray Washington Post.

Ilaa maalintii uu tagayey Qunsuliyadda Istanbul wuxu waday dhaliishii uu ku hayey hogaamiyaha Sucuudiga.

Waana markii ugu dambaysay ee muuqiisa la arko maalintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here