“Waa In Goobtii Lagu Qabtay Shirkii Hoodaale Ay Sacad Muuse Iyo Habar Yoonis Isugu Yimaaddaan Si Loo Baabiiyo Is-Bahaysigii Jeegaanta Ee Umadda Kala Qaybiyey”

0
116
Lawadaag Asxaabta...

Gabiley, June 23, 2018 – (Foore)- Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo ka mid ah wiilasha uu dhalay Sheekhul-Baladkii Gobolka Gabiley Alle Ha U Naxariistee Muxumed Warsame ayaa waxa uu ku baaqay shir ay isugu yimaaddaan beelaha Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa iyo Galbeedka Burco oo uu ku tilmaamay mid badbaadin kara Somaliland meeshana ka saari kara is-bahaysiga siyaasadeed ee Jeegaanka loo yaqaano sida uu hadalka u dhigay kaasi oo uu Sheekh Ciise ku tilmaamay mid wakhtigiisii dhammaaday oo aan loo baahnayn wakhtigan in dalka iyo dadka lagu sii kala qaybiyo isaga oo dhinaca kalena jawaab ka bixiyay hadal uu wakhti hore sheegay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal Sudaal Xasan.

Sheekhul Baladka Gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo ay weheliyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayasha degmada Gabilay oo shir jara’id ku qabtay Magaalada Gabilay ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Aniga oo ah Sheekhul Baladka Gobolka Gabilay kuna hadlaya afka shacabweynaha Gobolka Gabilay ahna Ciise Sheekh Muxmed Warsame waxaan umadda u sheegayaa sida ay danta umadda Somaliland ku jirto. Waxa aan halkan baaq uga jeedinayaa beelaha Sacad Muuse. Waxaan ugu baaqayaa in ay isugu yimaaddaan shir aan gogoshiisa dhigayno shir lagu qaban doono isla goobtii lagu qabtay shirkii Hoodaale ee Gobolka Gabilay. Waxa aan ku baaqayaa in lagu qabto shir ay isugu yimaaddaan Beelaha Sacad Muuse iyo Habar Yoonis kaasi oo aanu ku baabiinayno wax haba yaraatee Jeegaan la yidhaa. Taasi oo ah arrin aan dalka ka soconayn. Inanta Cimraan Jibriiil Abokor ma dhalin. Ta Jibriil Abokorna Cimraan ma dhalin. Arrinta Jeegaantu waxa ay ahayd is-bahaysi siyaasadeed. Taasina haddii ay noqoto wax rasmi ah oo halkaa yaalla Somaliland-nimadu way ku baaba’aysaa. Hadii Beelaha Sacad Muuse Madaxnimadii heleen kumay mahadnaqin oo hoosta muu gashan oo Alxamdulillaah muu odhane Suldaankii ugu weynaa baa inta uu la kacay yidhi Inanta Jibriil Abokor Cimraan baa u reer abti ah. Nin Sacad Muuse ah oo arrinkaa ka hadlay oo ka raalli galiyayna ma jirin. Gaadhiga aad waddo ee aad saaran tahay haddii aad isku ruxdo waa ceeb oo aduunbuu kula qallibmayaa. Waynu wada dhalanay oo dad walaalo ah baynu nahay. Anigu xisbi ahaan haddii la sheego xisbiga WADDANI baan ahay. Xisbinimo in loo wada hadlo uma lihi waxaanse u leeyahay sida uu Jiritaanka Somaliland ku wanaagsan yahay tiiyoo la wada walaalo yahay. Yaa ugu xaq leh in la dejiyo dalka?. Waxa xaq loogu leeyahay ninka Madaxweynaha ka ah dalka oo ay tahay in uu dadka dajiyo. Beelaha Sacad Muuse waxa la odhan jiray waxa ay ahaayeen geed weyn oo hadhac ah oo hadh qabaw. Waar waxa loo baahan yahay in aan hadhkeenii qaboobaa dadka soo dhigno”. Ayuu yidhi Ciise Sheekh Muxumed Warsame.

Dhinaca kale sheekhal baladku waxa uu ka hadlay xaaladda Degmada Ceel-afweyn iyo shaqaaqada u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada dega waxaanu yidhi: “Ceel Afweyn 1962-kii ayuu aabbahay joogayay oo uu xaakim ka ahaa. Labadaasi reer ee walaalaha ah ee maanta colaaddu dhex marayso ayaa arrin dhex maray inkasta oo aanan imika hoos ugu sii dhaadhacayn. Labadii reer waxa ay isla go’aansadeen xoolo la soo xaday in xoolahaa laga doonayo reerka kale tuugada lagu bixiyo. Arrinkiibaa maxkamadda lala yimid. Waxaana maxkamadda keenay nin dhulbahante ah. Hadda u fiirsada xoolihii Dhulbahante laga soo xaday ayaa la damcay in lagu kala qaan baxo. Ninkii Dhulbahante ayaa soo cararay. Xalaaleey buu yidhi illayn waa geeliisiiye. Qolo ka mid ah labadii is qabtay ee la siiyay xoolaha ayaa tidhi annaga xoolaha qaan baa naloo siiyay. Aabbahay waxa uu xukumay in aan xoolo booli ah lagu qaan bixine labada reer ay xoolahooda ku kala qaan baxaan. Colaadda deegaankaasi waxaan ka baqayaa in uu yahay mid siyaasi ah. Rag xilal doonaya ayaa umadda colaadda kala dhex dhigay”.

Ugu dambayn Ciise Sheekh Muxumed Warsame waxa uu dhaliilay xukuumadda Somaliland iyo siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “Madaxweyne ninkaa dalka in uu xukumo ugu tala galay baad tahay. Ma caqli li’id. Maxaad ku garatay dagaalka Ceel Afweyn iyo ka Tukaraq hakuu wada socdaan oo midba dhinac hakaaga balbalo. Dagaalka gudahaaga degdeg u dhammee. Haddaad adigu tagi wayday tolkaabaa marka horeba dhawr jeer arrinka dhammeeyee maad iyaga u dirtid. Ma qolada wasiirrada ku doonaysa ayaa tidhi isa soo daweeya”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.

Halkan Ka Daawo Hadalka Sheekhal Baladka:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here