Ujeedooyinka Qarsoon Ee Isku Darka Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Iyo Miisaaniyadda 2018

0
294

Hargeysa, October 29, 2018- (Foore)- Ujeeddooyinka qarsoon ee la iskugu daray wasaaradda qaar maaha mid wax soo saar ama horumarineed ee waa mid dano gaar ahi ku jiraan taasi oo aan ku macnaynay ujeedooyin qarsoon ee maliyadeed. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaaradda Kaluumaysigu, waa laba wasaradood oo waxa-soosaar shaqadooduna ballaadhan tahay, mana noqon karaan hal wasaarad, waaayo dalka oo dhaqaalihiisu intan ka hooseyo ayay ahaayeen laba wasaraadood oo kala madax-banaan.

Waraysi gaar ah oo uu i siiyay mid ka mida shaqaalihii Wasaaradda Kaluumaysigu waxaa uu ii sheegay inay istaageen mashariico badan oo ha’yadaha caalamiga ahi u balan-qaadeen Kalluumaystada Somaliland sannadkan 2018-ka. Sobobta qarsoon oo ah inaan labada wasaaradood la isku darin ee la baabi’iyay wasaaraddii Kaluumaysiga. Si lacagteeda loogu daro, wasaaradda xanaanadda xoolaha oo shaqaalaheedii lagu daray hal wasaaraddana la iskaga dhigay.

20 kii sannadood ee u dambeeyey xoolaha nool ee aan dhoofin iyo xoolaha aan haysano waxaa ku yimid hoos u dhac wayn, 50% ayuu xoolaheenii yaraaday sida ay sheegtay daraasadda uu soo saaray Bangiga Adduunku, 2017. Daraasaddo kale oo ay soo sareen ha’yadda UNDP, 2016. Iyaduna waxay sheegaysaa haddii aan la horumarin wax-soosaarka kaluumaysiga in nolosha dadka Somaliland khatar gali-doonto maadaama oo hoos u dhac wayni ku yimid xoolihii ay dhoofin jireen oo ahaa isha dhaqaale ee koowaad.

Hadda miisaniyadda 2018, habka loo maareeyay waa mid aan ku dhisnayan wax-soosaarka dalka iyo horumarinta nolasha dadka ree Somaliland. Kaliya waa mid aad moodo in wasaaraddo qarkood loo doonayo lacag-badan oo bilaa qorshe horumarineed ah ay maamulaan, taasi oo ay u isticmaali karaan sida uu doono qofka ugu sarreeyaa. Sharci-adag oo maaliyadeed oo qabtaana aanu jirin-dabgalkeeduna aanu midho dhal lahayn.

Miisaniyadda wasaaraddani waa mid korodhkeedu aad u badan yahay marka loo eego sannadkii hore, dhanka kale haddaan bar-bardhig ku samayno wasaaraddaha kale ee dhiggeeda ah waxay ka badantahay miisaniyadda loo qorsheeyay, sidaan maqaaladii hore-ba aan bar-bardhig ugu samaynay aan isbar-bardhigno Waddarta Miisaniyadda 4 Wasaradood iyo Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. Afartan wasaaraddood oo kala ah:- Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka. Wasaarada H. Maalgashiga. Wasaaradda Macdanta & Tamarta. Iyo Wasaaradda Diinta & Awqaafta. Waddartooda Miisaaniyadood waa:- 22,980,650,616 SL/Shilling. Halka ay Wasaaradda Xanaannad Xoolah iyo horumarinta Kaluumaysiguna ka tahay 25,344,369,866 SL/Shilling.  Shaxankan hoose aan ku aragno isbar-bardhigooda

Xoolahii iyo Kaluumaysigii oo la horumariyay miyaan arkaynaa sannadkan 2018-ka waxaan ku jirnaa 2-dii bilood ee ugu danbeeyay gabo-gabaddii miisanayaddii 2018-ka haddana dhamaan wasaaraddaha Xukuumadda kuma arkayno  wax-wayn oo iska baddalay iyo wax-la qabtay oo ay soo bandhigaan wasaaradduhu, wasaaraddan miisaniyadda loo kardhiyay ee wasaraaddah dhigoodda ka badan ujeedooyinka ka danbeeya ma wax-soo saarbaa misa waa ku dan-gaari ka muuqdaan. Ma odhan karnaa 4 wasaradood waxa ka muhiimsan wasaaraddan maadama oo ay ka miisaniyad badan tahay. Waxa xaqiiqa ah inay ka shaqaalo yar tahay, kana hawl yartahay sobobaha loo kordhiyay miisaniyaddeedanu waa ku ay fahami karaan akhristayaasha la socday qaybihii hore ee maqaalkan taxanaha ah.

Siddoo kale wasaaraddan miisanaydeedu waxay ka badantahay waddarta Miisaniyadda Afar Ha’yaddood oo mihiim ah.

Hay’adahani waxa ay kala yihiin:-  Hay’adda Diiwaanka Sakada iyo Samafalka. Hay’adda Dhawrista Tayada. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha  iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Dhamaan isku-gaynta miisaniyadda afartan Hay’addood waa 21,903,035,769 SL/Shilling. Halka ay Wasaaradda Xanaannadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiguna ka tahay: 25,344,369,866 SL/Shilling.  Isbar-bardhigooda intaynaan kaga bogan shaxankan hoose aan is waydiino su’aalo ah. Wasaaraddan ma afar wasaaradood oo dhigeeda ah ayay ka muhiim santahay?,  sidoo kale ma waxay ka shaqo badantaay afar Hay’addood,  se isku darka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Xanaannada xoolahu ma u jeeddo wax-soo saarabaa mise waa ujeeddo maaliyadeed.

Qalinka: Prof: Mustafe A. Habane

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here