Telefishanka Itoobiya Oo Baahiyey Maanta Cabdi Ilay Oo Maxbuus Ah Iy Dareenka Wajigiisa Ka Muuqday

0
289
Lawadaag Asxaabta...

Addis Ababa (Foore)- Telefishanka Dawladda Federaalka Itoobiya ee EBC ayaa maanta baahiyey Muuqaalka Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) oo Maxbuus Ah, isla markaana ay ilaalo askar ahi hareeraha ka socdaan mar ay ay gaadhi ka saraayeen goobtii uu ku sugnaa.
Madaxweynihii hore ayaa wajigiisa laga dheehan karaa sida uu dareenkiisu ahaa isaga oo u muuqday nin daallan oo cadho iyo werwer ka wada muuqdaan wajigiisa.
sidoo kale muuqaalka telefishanku baahiyey ayaa muujinaya hub qoryo iyo baastoolado ah oo ay boolisku soo ban dhigeen.

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalku ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bil ku dhow ku jiray xabsi guri.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Telefishanka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here