Taxanaha Muhiimadda Caafimaad Ee Biyaha Nadiifta Ah Iyo Diyaarintii PURE LIVING COMPANY

0
122
Lawadaag Asxaabta...

Qormadan Waxa Kuu Diyaariyay Kambaniga Keena Agabka Biyaha Nadiifiya Ee PURE LIVING COMPANY

Biyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba loogu sheegay Qur’aanka kariimka ah. Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin nolosha adduunyada ka sokow waxaa kale oo ay sababi karaan khasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. Biyaha aynu halkan kaga hadlaynaa waa biyaha-macaan (Freshwater), ma aha biyaha badda. Dhibaatada dhinaca biyo-la’aanta adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa ayaa waxaa nasiib darro ah in ay ku badan tahay waddamada soo koraya (developing countries), waddamada ku horumaray dhinaca warshadaha ma aha kuwa ay waqtigan xaadirka ah haysato dhibaatada biyo-yarida, iyada oo ay sabab u tahay xaaladda jawiga cimiladooda, tirada dadkooda oo aan kor u soconin iyo teknoolajiyada ay gaadheen oo xal u noqon karta dhibaatooyinka qaar. Dunidan aynu ku nool nahay waxay maanta dhibaato biyo-yari haystaa dad lagu qiyaasay in ay la egyihiin laba bilyan oo qof, ayada oo weliba ay tiradaasi sii kordheyso sababo badan owgood, haddii aan waxba laga qabanin.

U helidda dadka bani’aadanka ah biyo nadiif ah oo ay isticmaalaan waa mid ka mid ah xuquuqda aadanaha oo idil, waana aasaaska nolosha dunida.

Qiimaha Biyaha

Qur’aanka Kariimka ah ayaa Rabbi ku sheegay qiimaha ay biyuhu u leeyihiin dadka, dhulka iyo xoolahaba, iyo guud ahaan nolosha dunida. Wuxuuna Ilaahay SWT yidhi: “Dhulku marka uu dhinto oo ay abaari hesho biyo la’aan darteed waxaan ku nooleynaa roob kaasoo manaafacaad u noqda dadka iyo xoolahooda”. Biyuhu waxa ay gaadheen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Rabbi yidhi “…waxaannu biyaha ka yeelnay/dhignay shey walba waxa uu ku noolaado…” Suuratu Anbiyaa´, aayadda 30aad. Rabbi aayad kale (Suuratu Nuur, 45) ayuu ku sheegay in noole kasta oo socda dhulka korkiisa laga abuuray biyo. Biyuhu waxa ay ka mid yihiin kheyraadka dabiiciga/rabbaaniga ah (natural resources) ee Ilaahay ku maneystay adduunkan. Asal ahaanba, biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, tayada nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, iyada oo ay ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyadu ay ka bilowdeen meelo biyo leh. Biyuhu waxa ay qeyb libaax leh ka ciyaareen (welina ka ciyaaraan) warshadeyntii Yurub iyo Ameerika, mana suurto galeyso maanta in qaran ama dal uu horumar higsado haddii ay jirto biyo yari.

Biyuhu waa badeecad aan ganacsi geli karin sida shidaalka, waana shey aan deeq iyo macaawino gelin sida cuntada iyo daawada. Kaalinta iyo muhiimadda ay biyuhu ku leeyihiin nolosha waxay kalifi kartaa in ay adkaato in waddamada ku yaalla dhulalka qallalan ee hawada kulul ay gaadhaan horumarka bulshada ee dhinaca dhaqaalaha iyada oo ay sabab u tahay kuleyka hawadooda oo xaddidaya helitaanka biyaha ay dhirta iyo dadkuba u baahan yihiin.

Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la’aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto, waayo 62% jidhka bani’aadanku waa biyo, tani macnaheedu waa qofka uu culeyskiisu la egyahay 50 kiilo, 31 ka mid ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin hab-dhiska qashin-saarka jidhka iyo dheelitirka heerkulka jidhka.

80% cudurrada ku dhaca dadka dunida oo dhan waa kuwa ka dhasha isticmaalka biyaha aan nadiifka ahayn oo wasakhaysan, iyada oo weliba arrintani ay u badan tahay dalalka soo koraya amaba loo yaqaanno dunida saddexaad. 5 illaa 7 milyan oo qof ayaa sannadkii walba u dhimata cudurrada laga qaado biyaha wasakhaysan. Arrinta kale oo murugada leh ayaa waxa ay tahay in saddex meelood laba meel dhimashada dadka dunida saddexaad ku nool ay sabab u tahay isticmaalka biyaha aan nadiifta ahayn iyo helitaan la’aanta biyo ku filan (enough quantity) oo tayo fiican leh (good quality), kuwaas oo ka kaafiya dhinacyada nadaafadda iyo nolosha guud.

Wargeyska METRO ee ka soo baxa magaalada Stockholm wuxuu qoray sannadkii 1998-kii in dad tiradoodu gaadhayso hal milyan oo ku nool dalka Tansaaniya ay aragga indhaha beeli doonaan muddo 20 illaa iyo 40 sano kadib, ayada oo ay qaar kalena (8 milyan) arrintaasi halis u yihiin. Sababta arrintani waa iyaga oo isticmaala biyo wasakheysan. Nolosha waxa lagama maarmaan u ah in la helo Biyo nadiif ah oo aan wasakhaysnayn. Dalkeena dad aad u yar ayaa heli kara biyo nadiif inta badana waxa aynu cabnaa biyo wasakhaysan haddii aan biyo helnaba.

Waa Maxay BIYO-LA’AANTU?

Biyo-la’aanta ama biyo-yarida, oo afka qalaad lagu yidhaahdo “water scarcity” waxaa asal u ah dhowr qodob oo kala duwan loona kala saari karo kuwo dabiici ah iyo kuwo aan dabiici ahayn, (kuwo ay dadku sababaan iyo kuwo aanay dadku sababin waxna aanay ka qaban karin): Qodobada dabiiciga ah ee sababa biyo-yarida:

Tirada roobka (low rainfall) oo yar isla markaana uu badan yahay uumi-baxa biyaha (high evaporation) ayada oo ay sabab u tahay hawada kulul. Arrintani waa mid ku kooban waddamada ay hawadoodu kulushahay sida qaaradda Afrika inteeda badan, Bariga dhexe, qeybo Aasiya ka mid ah iyo latin amerika. Farqiga u dhexeeya roobkii da’ay iyo uumi-baxa, oo ah biyaha dib ugu noqonaya hawada, oo aad u yaraada waxa uu sababayaa in ay hoos u dhacaan biyihii soo hari lahaa. Iyada oo ifafaalaha cusub ee loo yaqaanno El Nino uu dhibaatooyin weyn u geystay jawiga adduunka isaga oo meelna abaar iyo qaleyl ku riday (sida Afrikada Koonfureed) meelna fatahaadyo ku furay, sida dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaaliya, Itoobiya iyo Kiinya. Innagana oo Somaliland ahna innagu keenay roob yari. (Qodobkani wax lagama qaban karo oo waa arrin dabiici ah oo Ilaahay keenay).

Roobka oo aan imanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo (drought).

Qodobada aan dabiiciga ahayn ee sababa biyo-yarida:

Tirada dadka oo korodha, sababtuna in biyihii la haystay ay dadka oo dhami gaadhi waayaan. Tirada bani’aadanka ee sii badanaysa maalin walba waxa ay culeys u geysataa kheyraaadka biyaha, waxaana yaraanaysa tirada biyaha ee qof walba ku soo aadeysa. Qodobkani waa midka ugu culus ee xalka loo la’yahay.

Biyaha oo aan si habboon loo isticmaalin isla markaana aanay jirin hanaan-siyaasadeed oo hufan oo biyaha lagu maamulo, tani waa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysata waddamada ay biyo-la’aantu haysato intooda badan (poor management/ lack of policy).

Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanization) iyada oo laga soo tagayo miyiga, tani waxa ay sii kordhinaysaa baahida biyaha ee magaalooyinka iyo shaqaale la’aan ku timaada dhul-beereedka iyo xoolo dhaqashada

-Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul, arrintani oo qeyb weyn ka qaadata yaraynta kheyraadka biyaha, waxay sababtaa degaanka oo xumaada (Environmental degradation), iyo nabaad-guur (soil erosion).

Isticmaalka kiimikada bacriminta (Fertilizers) iyo sunta disha cayaanka beeraha (Pesticides), si loo kordhiyo wax-soosaarka beeraha, biyaha wasakhda ah ee ka yimaada warshadaha iyo guryaha oo si toos ah loogu shubo webiyada iyo harooyinka (iyaga oo aan la nadiifinin) waxay dhamaanba sababaan in ay yaraadaan kheyraadkii biyaha. Qashinka iyo wasakhda guryaha, warshadaha, beeraha iyo baabuurta waxay waxyeello weyn u geysteen tayada biyaha (water quality). Iyada oo ay wasakhaynta biyuhu (water pollution) ay tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta ka jira dunida guud ahaan. Wasakhayntani waxay hoos u sii dhigeysaa biyihii yaraa.

….La Soco

Qaar Ka Mida Agabka lifeStraw ee Biyaha Nadiifiya ee uu kuu hayo Kambaniga PURE LIVING COMPANY:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here