Tartanka Xaas Xambaarka Oo Sannadkan Maraykanka Xiiso Gaar Ah Ka Yeeshay Iyo Dadkii Ugu Badnaa Oo U Soo Daawasho Tagay

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Tartanka Xaas xambaarka ee sannad walba laga qabto wadanka Maraykanka ayaa sannadkan xiiso gaar ah yeeshay kadib markii dadkii ugu badnaa abid u soo daawasho tageen tartankan layaabka leh.

Tartanka Xaas Xambaarka oo ah tartan loo qabto rag xaasaskooda dhabarka ku soo xambaara kadibna la orda sidaana ku kala guulaysta hadba sida ay u kala dheereeyaan oo dhaqan ahaan muddo badan lagaga soo tartamayay gobolada Woqooyi ee dalka Maraykanka qaar ka mid ah ayaa sannadkan xiiso gaar ah yeeshay kadib markii warbaahintu si weyn uga hadashay ee ay ka soo qayb galeen tiradii tartamayaal ahaa ee ugu badnaa iyo tiradii daawadayaal ahaa ee ugu badnaa abid kuwaasi oo waliba sannadkan qaar badan oo ka mid ahi isaga kala yimaadeen daafaha dunida si ay tartankan xiisaa leh u daawadaan.

Muddo ku siman 15 sanadood ayaa markii ugu horraysay tartankan si weyn looga soo shaac saaray Gobolada Woqooyi ee dalka Maraykanka oo dadkoodu ahaayeen kuwii iyagu hindisay tartankan boqolaal sano ka hor waxaana la sheegayaa in uu imika Maraykanka oo dhan ku sii fidayo tartankan oo ah mid raggu ku baratamaan orod iyaga oo xaasaskooda xambaarsan, mudada ay tartanka orodka ah ku jiraan raggu waxa ay ka gudbaan goobo biyo fadhiisin ah iyo taagag badan illaa laga soo gaadho goobta loo cayimay ee tartanku ku dhamaado.

Tartanka Xaas xambaarka oo sannadkan lagu qabtay deegaan u dhaw Degaanka River ayaa waxa la sheegay in ay daawashadiisa ka soo qayb galeen dad lagu qiyaasay 34,000 oo qof halka ku dhawaad 54-Milyan oo qof telefishanada kala socdeen. Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa noqotay in markii ugu horraysay tartankan lagu qabtay meel ka baxsan wadanka Maraykanka oo isagu ahaa dalkii hindisay tartankan cajiibka waxaana sannadkan tartankan oo kale ka dhacay dalalka Finland, Estonia iyo Australia. Tartanka Maraykanka ka dhacay waxa ku guulaystay sannadkan Ersinolt Jessie Wall iyo Saxiibadiisa uu dhabarka ku siday intii uu ordayay oo lagu magacaabo Christina. Abaal marin lacageed oo dhan 150-kun oo dollar ayaa la siiyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here