Tallaabooyin Ka Hor Tag U Ah Dibbirada Iyo Cuntada Dadku Ka Cawdaan In Ay Kor Ugu Soo Kacdo Bisha Ramadaan

0
38

In badan oo dadka Saa’imiinta ahi waxa ay Bisha Ramadaan ka cawdaan Dibbiro iyo Cuntada ay qaataan oo kor ugu so kacda (Ku Faxda) iyada oo kululna ay ka dareemaan Hunguri mareenka sida qaalibka ah wakhtiga Jiifka ee Habeenimo. Sababtan ayay khubarada caafimaadku ku sheegaan in ay tahay laba arrimood oo kala ah: marka koowaad oo ah in ay dadku qaataan cuntooyin kala duwan oo qaar ka mid ahi keeni karaan dibiradan iyo Caloosha oo soo daysa daraare (enzymes) loo yaqaano Hydrochloric Acid taasi oo keenta in qofku si weyn uga cawdo dibiro Asiidh wadata oo kor ugu soo kacda habeenkii. Khubarada Caafimaadku waxa ay qofka sooman kula talinayaan in uu raaco tallaabooyinkan soo socda si uu uga gaashaanto arrintan aan soo xusnay, waxaanay tallaabooyinkaasi yihiin:

-Waa in qofku qaataa  Cuntooyinka ka kooban Khudaarta sida Salladhka, Baytaraafka, Kaabashka, Kaararka, iwm halkii uu ka qaadan lahaa cuntooyin culus oo u badan kuwa Carbohydrate-ka ah.

-Sariirta ha tagin isla marka aad cuntada qaadato. Waxa aad ku dadaashaa in aad ugu yaraan laba saacadood kadib marka aad cuntada qaadato seexato.

-Waxa aad ku dadaashaa in aad yaraysato inta aad yarayn karto cabitaanka Bunka. Culimada caafimaadku waxa ay ogaadeen in mudada lagu guda jiro Soonka Bisha Ramadaan ay wanaagsan tahay caafimaad ahaan in la iska daayo ama ugu yaraan la yaraysto qaadashada Bunka.

-Si Caafimaadkaagu u wanaagsanaado bisha Ramadaan oo aad uga raysato calool xaunuunka iyo dibirada badan ee gaastu weheliso waxa aad ku dadaashaa in aad ka waantowdo qaadashada cuntooyinka Basbaasku ku badan yahay ee Kulul, Suugada badan iyo cuntooyinka la shiilo sida Saanbuusaha, Sabaayadda iwm ee saliiddu ku badan tahay.

-Waxaad ka dheeraataa in aanad si degdeg ah cuntada u Liqin, gaar ahaan marka aad afurayso waa in aanad cuntada daldalin. Waxa aad ku dadaashaa in aad cuntada si wanaagsan u Calaalisid oo aad wakhti ku filan afka ku hayso ee anaad dabada isugu qaban oo aanad liqliqin. Caafimaad ahaan waxa la ogaadya in cuntada oo si wanaagsan loo Calaaliyaa ay ka hor tagto miisaanka badan ee jidhka Fuula iyo calool is taagga.

-Marka aad afurka qaadato fadhigaagu yaanu noqon mid aad dhabarka u seexato ama hab jiif oo kale ah dhabarka ugu seexato. Khubarada cuntadu waxa ay ogaadeen in cuntada aad qaadatay ay ku soo dhacayso Hunguriga oo ay caloosha dib uga soo noqonayso. Taasi oo keenaysa in qofka cuntadii kor u soo kacdo isaga oo dibirsan.

-Waxa aad ku dadaashaa in aanad si xad dhaaf ah u qaadan Timirta. Maxaa yeelay, waxa la ogaaday in Noocyo ka mid ah Timirta in ay ku badan tahay Sonkorta loo yaqaano Sucrose oo keenta calool olol iyo in cuntadu kugu faxdo.

-Ku dadaal cabitaanka biyaha wakhti kasta oo cunto qaadasho. Cabitaanka Biyaha waxa la Xaqiijiyay in ay yareeyaan in Hunguriga dib ugu soo noqoto cuntadu oo kugu faxdo waxaanay hoos u dhadhiyaan Biyuhu cuntada aaad qaadatay iyaga oo si weyn u taageera Hab-Dhiska Dheef-Shiidka.

-Khubarada caafimaadku waxa ay dadka Saa’imiinta ah uga digayaan in aanay Qaadan Bisha Ramadaan cuntooyinka macmacaan sida Xalwadda, Jokolaatada, Keegagga Kiriimaka Macaan leh iyo wixii la mid ah.

-Wakhtiyada Suxuurta, Afurka Iyo Cashada waxa aad ku dadaashaa in aad qaadato fawaakihda la miiray ee dabiiciga ah (Juice Fruits), Cabitaanadaasi waxa ay qofka kala dagaalamaan harraadka jidhkana waxa ay u hibeeyaan Fiitamiino caafimaadka u wanaagsan. Dhammaantiin caafimaad ku sooma.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here