Taliye Caarre Oo Sheegay Goobta Uu Wakhtigan Ku Sugan Yahay, Ujeedada Jabhad Somaliland Ka Dhan Ah Oo Uu Abaabulayo Iyo Waxa Ku Kallifay Colaadda Qabiilaysan

0
215
Lawadaag Asxaabta...

Qardho, Aug 09, 2018- (Foore)- Taliye Siciid Cawil Caarre oo dhawaan ka goostay ciidamada Qaranka Somaliland muddona duudda ku jiray oo ay saamaysay colaadda deegaamada Gobolka Sanaag ayaa waxa uu markii ugu horraysay si weyn u faahfaahiyey qorshayaashiisa iyo waxa uu ka damacsan yahay safarka uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku joogo Maamulka Soomaaliya ee Puntland oo la sheegay in ay taageero milatari iyo mid dhaqaaleba u fidisay sidii uu jabhad uga soo abaabuli lahaa halkaasi.

Siciid Cawil Caarre oo hore u ahaan jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa isaga oo daba socda hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiirka Gaashaan dhigga ayaa isaga oo u warramayay Telefishanka HCTV waxa uu sheegay in uu Puntland waydiistay saldhig ciidan oo uu ku abaabulayo jabhad uu sheegay in ay caddaaladda Somaliland ka shaqayn doonto oo ay dawladda ka hor iman doonto.

Ugu horrayn Siciid Cawil Caarre oo wax laga waydiiyey halka uu joogo iyo ujeedada uu ka leeyahay abaabulka uu ku jiro ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ku suganahay Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Puntland. Mawqifkayga iyo waxa aan damacsanahay waxa weeyi in aan diiday nidaamka dalku u socdo iyo maamulka. Waxaan diiday nidaamka ka jira maanta Somaliland ee lagu maamulayo ayaan saluugay. Sida ay beelaha uga dhex waddo dagaalka ayaan diiday. Dagaalkana xukuumadda ayaa wadday. Waanay isku diraysay. Waanay kala qaban wayday. Waayo dambiilaha waa la qabtaa kadibna sharciga ayaa la hor geeyaa. Dhammaan dadyowga degan Gobolada Somaliland lixda gobo lee Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ka gadoodaan nidaam xumada waayo sababta oo ah culimo ayaa dammaysay colaadda reeraha. Culimo iyo wadaado ayaa arrinka dhammaysay ee xukuumadi ma dhammayn. Sharcigii la dhistay iyo dastuurkii iyo qaanuunkii iyo dawladnimadii meesha way ka baxday. Cilimo ayaa hawshaasi qabatay. Ilaahay raalli haka noqdo. Beelahana waxaan leeyahay ha la adkeeyo nabadgalyada”.

Telefishanka ayaa waydiiyey sida ay isku qabanayso in uu ku baaqayo nabad galyada ha la adkeeyo haddana ciidamo uu ku urursanaysaa deegaankaasi iyo waxa ay ciidamadaasi ka shaqayn doonaan ayaa waxa uu Caarre yidhi: “Dibbaan ka sheegi doonaa waxa ay ka shaqayn doonaan. Dibaan kaaga soo sheegi doonaa waxa ay ka shaqayn doonaan. Balse colaaddaasi markii horeba anuu aadbaan u saluugsanaa. Labada beeloodba waa beelahaygii in ay hawshooda dawladnimo wax ka qabato ayuunbaan doonayaa. Cadhada taasi ayuunbaa iga keentay maadaama aanay dawladnimo iyo sharci meesha ka talin. Cadhada aan ku tagay taasi ayay ahayd. Markaa aniga mawqifkaygu waxa weeyi imika waxaan joogaa Puntland. Saldhig Milatari baan waydiistay halkaasi ayaan ciidamo ku dhisan doonaa haddii Alle ogolaado. Caddaalad darrada ayaanan la dagaalmi doonaa haddii Alle yidhaahdo”.

Mar wax laga waydiiyey in wax wada hadal ahi dhex maray isaga iyo Madaxweynaha ama Wasiirrada Daakhiliga iyo Gaashaan dhigga ayaa waxa uu Caarre kaga jawaabay: “Maya, Maya wax wada hadal ahi nama dhex marin”. “Wada hadalku waxa uu furnaa markii aan gudaha Somaliland ku jiray. Markii xabbadi meeshii ka dhacday ee weerar la igu soo qaaday. Waxa aan damcay in aan meesha uga fogaado si aan ciidamadayda u dhisto. Shacabka Somaliland an aanan khalkhal u galin iyaguna danahooda ka tashadaan maadaama aan maanta nidaam dawladeed jirin. Siddeedaa bilood ee xukuumaddu dalka haysatay intaa qorshe dagaal baa meel walba ka socda. markaa mawqifkaygu waxa weeyi in aan halkaygaa daganaado oo aan ciidamo ku dhisto oo aan hawshayda ku qabsado oo ku diyaar garoobo”. “Somaliland waa isku mid. Caddaalad darrada ayaan kala dagaalami doonaa. Hub igu filan waan haysanaa waxbana kama jiraan arrinkaasi. Kan ay haystaan baan la leeyahay” ayuu waraysigiisa ku soo gunaanaday Ninkan Jabhadnimada u ban baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here