Tagsiile Ku War Helay Goor Dambe In Ninkan Uu Sidaa Yahay Madaxweynihii Wadanka Shiinaha!!!

0
165
Lawadaag Asxaabta...

Nin tagsiile ah oo Dirawalnimadiisa ku xoogsada kana hawl gala Waddooyinka Badhtamaha caasimadda wadanka Shiinaha ee Beijing ayaa la kulmay arrin aanu waligii ku riyoon kuna fikirin, taasi oo ah in uu rakaab ahaan u qaaday nin si kedis ah u soo fuulay baaruurkiisa kana codsaday in uu geeyo huteel ka mid ah huteelada waaweyn ee caasimadda ku yaalla muddo badan markii uu la sheekaysanayayna aakhirkii uu ogaaday qofkan uu sidaa in uu yahay Madaxweynihii dhammaa ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha Xi Jinping.

Dhacdadan layaabka leh waxa soo warrinaysa wakaaladda wararka ee China Today kadib markii shacabka wadankaasi ka war heleen arrin aanay waligood hore ula soo kulmin oo ah in madaxweynihii wadankoodu si qarsoodi ah inta uu qasrigiisa uga soo baxo uu gaadhi Tagsi ah u kiraystay halkii uu doonayay in uu tago. Wakaaladda wararka ee China Today waxa ay warbixintan xiisaha leh ku bilawday sidan: “Waa dhacdo ugub ku ah dalka Shiinaha. Madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping oo aanay haba yaraatee la socon ciidamo ilaalo ahi waxa uu isa soo taagay goob u dhaw qasriga looga taliyo dalka Shiinaha. Waxa uu gacanta u taagay mid ka mid ah baabuurta dadweynuhu fuulaan (Taxi). Waxa uu si dareen li’i ah isaga soo fuulay Tagsigii. Wadihii tagsiga waxa uu ka codsaday in uu kursiga hore fadhiisan karo, wadihiina waa u ogolaaday sidaasaanu Madaxweynihii kursiga hore ku soo fuulay. Waxa uu wadihii ka dalbaday in uu Geeyo Huteelka Hilsin Ju Hotel oo ka mid ah Huteelada ay ku soo degaan inta badan dadka martida u ah xukuumadda China.

Tagsiilihiina aqbal ku jawaab. Mudadii ay jidka ku sii jireen Madaxweyne Xi Jinping waxa uu tagsiilihii waydiiyay dhawr su’aalood oo ay ka mid ahaayeen: Noloshiisa, xaaladda shaqada uu ku jiro, sida uu u arko waxqabadka xukuumadda iyo xisbiga Shuuciga ah ee talada haya iyo arrimo kale. Ninkii Tagsiilaha ahaa waxa uu u sheegay in uu isaga ladan yahay shaqadan uu haysto. Waxqabadka xukuumadduna aad u wanaagsan yahay balse ay jiraan dhibaato shacabka caasimadda ku nool ka haysata wasakhawga deegaanka oo maalin walba sii xumaanaya, xukuumadduna ku fashilantay in ay wax ka qabato. Waxa uu ninkii tagsiilah ahaa qadar kooban ammaanay xisbiga Shuuciga ah oo uu ku tilmaamay mid aan wali waxqabadkiisii uu ballan qaaday wada gaadhin balse wax uun qabtay. Ninkii tagsiilaha ahaa iyo Madaxweynihii aan is aqoonsan ee wada socday waxa ay soo gaadheen goobtii uu ku degi lahaa waxaanu si kedis ah ugu sheegay ninkii tagsiilaha ahaa in uu yahay Madaxweynihii wadanka Shiinaha!!!!!! Naxdin ayuu hadli kari waayay Tagsiilihii, waxaana Mar Kali ah Afkiisa ka soo baxay ereyadan:  “Dhawr Jeer Ayaan Ku Waydiin Gaadhay Madaxweynaha Waad Isku Egtihiin Ee Maxaad Isu Tihiin” Qosol gaaban inta uu Madaxweyne Xi Jinping ku dhuftay ayuu Tagsiilihii u rajeeyey caafimaad iyo mustaqbal wanaagsan, lacag aan sidaa u badnayn balse uu ku farxayna u hibeeyey isaga iyo qoyskiisii”. Dhacdadan ayaa noqotay tii loogu hadal hayn badnaa dalka China muddooyinkan waxaanu madaxweyne Bing sidaa ku galay Huteelkii uu ku socday isaga oo ay albaabka ku sii sugayeen ilaalo gaar ahi. Wakaaladdu waxa ay sheegtay oo kale in mudadii uu madaxweyne Bing tagsigan saarnaa ay hareeraha ka socdeen ilaalo gaar ah oo wadatay gawaadhi shacab oo aan la dareensanayn. Iyada oo ay ka war haleeyn falkan uu madaxweynuhu ku kacayay oo uu ahaa mid qorshe

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here