Tababare Talyaani Ah Oo Sheegay Inuu Neceb Yahay Cunto-Ingiriiska Iyo Nooca Cunto Ee Uu Maamulkiisa Ka Dalbaday

0
123
Lawadaag Asxaabta...

Tababaraha cusub ee kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea Maurizio Sarri ayaa codsi layaab leh u diray maamulka Blues, maalmo yar ka dib markii loo magacaabay inuu yahay badalka ninka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Antonio Conte.

Wargeyska caanka ah ee “Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in 59 jirkan uu ka codsaday maamulka kooxda Chelsea kaasoo ku saleysan hab dhaqankiisa, wuxuu soo bandhigay liiska noocyada cuntooyinka uu ka doonayay dalka Talyaaniga si uu u cuno, gaar ahaan maadaana uu sheegay uusan jeclayn cuntada England.

Wuxuu sidoo kale Maurizio Sarri ayaa waydiisatay saraakiisha kooxda Chelsea inay u keenaan nooca qaxwadda uu jecel yahay, wuxuuna sidoo kale ku xigeenkiisa Zola kala Tashaday makhaayadaha ugu fiican talyaaniga ee ku yiila galbeedka magaalada London.

Si kastaba kooxda Chelsea ayaa shaqada ka ceydhisay macalinkii hore ee Blues ee Antonio Conte, kadib markii ay kooxda la kulantay hoos u dhac xoogan ee dhanka natiijooyinka ah, gaar ahaan horyaalka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana badal u noqday Maurizio Sarri oo isna dhawaan kasoo dhaqaaqay kooxda reer Talyaani ee Napoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here