Tababare Caan Ah Oo Shaaciyey Inuu La Tacaalayo Cudur Halis Ah Oo Soo Food Saaray!

0
131

Tababaraha kooxda kubadda cagta Sevilla, Joaquin Caparros ayaa daboolka ka qaaday inuu la halgamayo xanuunka halista ah ee Kansarka gaar ahaan noociisa loo yaqaano ‘Leukemia’.

Tababarahan 63 jirka ah ayaa ciyaartii toddobaadkan ay kooxdiisu kaga adkaaday Real Valladolid kaddib waxa uu soo hor fadhiistay warbaahinta, waxaana uu la wadaagay dhacdo mar horeba lasoo dusiyey oo ah xanuunkiisa, waxaanu ka qiiraysiiyey saxafiyiintii usoo diyaar-garoobay inay su’aalaha waydiiyeen.

“Waxa in muddo ah i hayey xanuunka leukemia (Kansarka nooca ku dhaca dhiigga).” Ayuu Joaquin Caparros ku bilaabay hadalkiisa kaddib guushii 2-0 ahayd ee Sevilla ay ka gaadhay Valladolid.

“Nolol caadi ah ayaan noolaan karaa. Waxaan doonayaa inaan ku farxo xirfaddayda; wax daawooyin ah ma qaato. Waxaan ku faraxsanahay fursaddu kooxdu ii siisay inaan tababare usii ahaado.” Ayuu raaciyey isagoo diifta xanuunku ka muuqato, sidoo kalena ka nixiyey wariyeyaashii hor fadhiyey.

Arrintan ayaa murugo ku abuurtay ciyaaryahannada iyo taageereyaashii farxadda kala baxay garoonka, laakiin dhinaca kale waxay u muujiyeen taageero iyo niyad-samaan ay u muujiyeen Joaquin Caparros oo wax walba u samaynaya sidii ay kooxdiisu u guuleysan lahayd.

Qalinka: Cabdiwahaab Cabeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here