Sweden: Gabadh Diiday In Ay Gacan Qaaddo Nin Ajnabi Ah Oo Magdhow Lacageed Heshay Iyo Sababta Ay Ku Mutaysatay!!

0
75
Lawadaag Asxaabta...

Gabadh muslimad ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa ku guulaysatay magdhow lacageed kadib markii waraysi ay shaqo u galaysay laga joojiyay markii ay diidday in ay gacan qaaddo ninkii imitixaanka shaqada qaadayey kaasoo gacanta u soo fidiyey markii uu imtixaanka ka qaadayay balse ay diidday in ay gacan qaaddo.

Farax Alhajeh, waa 24 jir, waxa ay codsanaysay shaqo tarjumaanimo ah, waxayna diiday in ay gacan qaaddo nin imtixaanka shaqada qaadayey sababo la xidhiidha diinteeda maadaama shareecada islaamku aanay ogolayn in gabadh iyo nin ajaanib isu ahi aanay is gacan qaadi Karin sidaa darteed Farax waxa ay Wadnaheeda saartay gacanta halkii ay gacanta ka salaami lahayd. Arrintaasi waxa ay ka cadhaysiisay ninkii iyo kambanigii uu ka tirsanaa waxaana dhacday in Farax sidaa lagaga eryo goobtii ay imtixaanka ku galaysay oo ay sidaa ku waydo shaqadii.

Maxkamadda shaqaalaha ee Sweden ayaa xukuntay in sharikaddaas ay ku kacday fal faquuq ah oo kadhan ah gabadhaas. Waxaana lagu ganaaxay in ay sharikaddaasi bixiso lacag dhan $4,350 oo magdhow ah.

Muslimiinta qaar ayaa ka dhawrsada in ay salaamaan ama ay taabtaan jinsiga kale ee lidka ku ah, marka laga reebo qoyskooda hoose waana arrin shareecada islaamku dhigayso.

Si kastaba ha ahaatee waddamada Yurub qaarkood gacan qaadka ama salaantu waxay ka tahay dhaqan, Sharciyada ka dhanka ah faquuqa ayaa u diidi kara sharikadaha iyo hay’adaha guud in ay dadka ula dhaqmaan si gooni ah Jinsigooda dartii. Xafiiska Sweden u qaabilsan baadhitaanada ku aaddan faquuqa, kaas oo matalayey Ms Farax Alhajeh oo 24 jir ah, ayaa sheegay in xukunka lagu saleeyey ” danaha qofka shaqada leh, xaqa qofku uu u leeyahay in uu dhowrsanaado, iyo muhiimadda ay dawladda u leedahay ilaalinta xorriyadda diinta”

Farax waxa ay sidaa ku qaadatay 4, 350 Dollar oo magdhaw ah oo maxkamaddaasi u xukuntay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here