Suldaan Saleebaan Oo Bulshada Ugu Baaqay In Meel Looga Soo Wada Jeesto Daminta Colaada Ceel-Afweyn

0
128
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore) Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan  Xasan ayaa baaq nabadeed u diray labadii beelood ee walaalaha ahaa dhawaan ay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu soo jeediyay in loo gurmado islamarkana gacmaha leysu qabsado sidii xaaladaasi loo dejinlahaa.

Sidoo kale waxaa uu qurbajoogta ugu baaqay inay faraha kala baxaan hurinta colaada degmada Ceel-afweyn.

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu qaybo warbaahinta ka mida kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa.

“”Bariga waxaa ka taagan dhibaato Somalilandna inta dhibaatadu ka taagan tahay uun maahe waa ay faro badan tahay, canaan ayay ku leedahay, ceebta waxbay ku leedahay, in badan ayaa la dhexdhexaadiyay hada wali colaadi wey taagan tahay, nabarkuna hadii uu bogsan waayo oo dhaqan loo diro ayay noqoneysaa, labada reer ee wax dhexmareen mooyaane inteena kale waxaa inala gudboon in aynu arrintaasi daweynteeda gacmaha isu qabsano, oo fadhiga laga kaco oo gurmad loo diro, waxaanan si gaara u canaanayaa, reer Hargeysa oo aad moodo in colaada Suuriya ka socota iyo ta Ceel-afweyn ay isugu mid tahay, oo aan warba loo heyn oo lagu odhanayo uun  shaqaaqo ayaa ka dhacday, shaqaaqo waa ay ka badan tahay meesha 60-nin ku dhinteen 100-nin iyo dheeraadna ay ku dhaawacmeen waa in loo gurmada oo gurmad weyn laga galo daminta shaqaaqadaasi, saakana waaba ay ka waji xun tahay oo kuwii odayaasha aad u moodeysay ee salaadiinta u sheeganayay ayaa warbaahinta hadalo xanaf leh isu marinaya,markaa waxaan leeyahay islayaaba oo umada isu soo dhaweeya fidnada iyo is eedeynta iyo kala fogaanshiyaha iyo qoqola u kala qaadista iska daaya”

Waxaa kale oo Suldaan Cismaan tilmaamay in inta badan xukuumadda lagu canaanto inay gacan ka geysato daminta shaqaaqadani hase ahaate aanay kaligeed ku fileyn waxaanu bulshada ugu baaqay in lagu garab galo sidii qay looga qaadanlahaa xalinta shaqaaqadan soo noqnoqtay waxanu yidhi “Inta badan waxaa xukuumadda lagu canaanta maxay u kala qaban weyday, dawladu waa dadka hadii aan dadkiisu u diyaar aheyn inuu wax wanaajiyo kaligeed waxba qaban meyso”

Dhanka kale Suldaan Cismaan waxa uu qurbajoogta ugu baaqay inay faraha kala baxaan hurinta colaada degmada Ceel-afweyn waxaanu yidhi “Waxaa kale oo aan ugu baaqaya nimanka qurbajoogta ah ee had iyo jeeraale fidnada abuura waar fidno aanay ubadkiinu ku dhimaneynin oo aanay dhibaato ka soo gaadheynin ha abuurina oo aad la rabtaan carruur kale inay ku dhimati, oo ubadkale inay ku qaxaan aad la rabtaan Ilaahey tiina kama dhige fidnooyinka aad abuureysan carabka aad ku abuureysan ka waantooba”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here