Sucuudiga: Aroos Muusig Iyo Qoob Ka Ciyaar Ka Socday Oo Mar Kali Ah Salaad Jamac Ah Isu Baddalay Markii Dayaxu Madoobaaday

0
122
Lawadaag Asxaabta...

Qisooyin layaab leh ayaa dunida ka dhacay habeenkii Sabtidu soo galaysa markii awoodda Allah SWT darteed uu Dayaxu ku madoobaaday ee ay dunida oo dhammi arkaysay dayaxii oo madoobaaday waxaana qisooyinka warbaahintu hadal haysay gaar ahaan kuwa carabtu ka mid ahaa xaflad weyn oo aroos oo ka dhacaysay waddanka Sucuudiga oo dadkii ka soo qayb galay ay ku mashquulsanaayeen qoob-ka-ciyaar iyo heeso muusig wata ayaa waxa uu mar kali ah arooskii isku baddalay sidii Masaajid oo kale kadib markii dadkii xafladda Arooska joogay ay salaad miciinsadeen oo ay dhammaantood salaad isku wada xidheen.

Muuqaal Fiidiyow ah oo baraha Bulshada la soo galiyey ayaa muujinaya habeenimadii Sabtidu soo galaysay ee uu Dayax Madoobaadku dhacay in dad ku sugnaa goob xaflad aroos ahi ay inta ay jaaskii/qoob ka ciyaarkii iyo heesihii muusigga lahaa joojiyeen ay salaad Kusuuf tukadeen inta ay qiblada u jeedsadeen. Kuwaasi oo salaaddaasi qaab Jamaaco ah u wada galay halkii ay markii hore ku mashquulsanaayeen qoob ka ciyaar iyo heeso.

Fahad Caayid oo ka mid ahaa qaraabada Arooska ayaa dadkii xafladda lagu soo casuumay ku war galiyey in la damiyo qalabka muusiggu ka baxayay lana joojiyo ciyaarta ay dadku ciyaarayeen isaga oo sheegay in dayaxa madoobaaday darteed ay salaad tukan doonaan oo Alle la baryi doono. Dhammaan heesihii baxayay iyo muusigii ayaa la damiyey waxaana mar kali ah goobtii arooska iska qabsaday codadka qur’aanka lagu akhriyayay, arooskaasi oo ka dhacay mandaqadda bari ee dalkaasi Sucuudiga.

Dhammaan dadkii daawaday muuqaalka is baddal ee laga soo duubay arooskaasi ayaa hambalyeeyey go’aanka uu ninkaasi qaatay ee uu ku joojiyey arooska waxaanay ku bogaadiyeen sida uu dadkii arooska ka so qayb galay ugu jiheeyey wax alle raalli ka yahay, halka uu ka jeediyey wax aan Alle raalli ka ahayn.

Dadweynaha waddanka Sucuudiga ayaa habeenkii dayax madoobaadku dhacay waxa ay isugu soo baxeen bannaanada, qaar salaaddul-Kusuuf tukanayay iyo kuwo daawanayay midabka cas ee uu isku baddalay dayaxu inkasta oo gobolo badan oo dalkaasi ka mid ah ay cirka qariyeen dabaylo boodh iyo siigo wataa oo aan suurto galinayn in dayaxa si wanaagsan loo arki karo. Waxa ay tani noqotay arrin laga hadal hayo waddankaasi Boqortooyada Sacuudi Carabiya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here