Su’aalaha Layaabka Leh Ee Inta Badan La Iska Waydiiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Iyo Xogta Layaabka Leh Ee Ku Duugan!

0
150
Lawadaag Asxaabta...

Vladimir Putin ayaa sii ahaan doona madaxweynaha Ruushka tan iyo sannadka 2024ta ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dhacday Sannadkan. Inkastoo wax badan laga yaqaanno hogaamiyaha Ruushka, haddana waxaa jira waxyaabo badan oo ay dadku rabaan in ay ka sii ogaadaan. Tijaabo ahaan ayaan dhawr su’aalood oo Putin ku saabsan ugu qornay Google, si aan u eegno bal waxa uu talo ahaan noogu soo bandhigo. waxaanan go’aansanay in aan idiinka jawaabno kuwa aan inta badan la soo hadal qaadin.

Putin xaas maleeyahay?

Maya, inta aan ka warqabno. Isaga iyo xaaskiisii ay 30-ka sano is qabeen ee Lyudmila waxay furiinkooda shaaciyeen bishii Juun ee 2013-kii. Inta aanay ku dhawaaqinna dhif iyo naadir ayay ahayd in meel fagaare ah lagu wada arko muddo billooyin ah. Waxaa jira warar la isla dhexmaray oo sheegaya in Putin uu shukaansado Alina Kabaeva oo siyaasiyad ah horayna ciyaaraha fudud uga soo qayb-qaadatay, laakiin ma jiraan wax tilmaamaya in wararkaasi ay run yihiin.

Miyuu guran yahay?

Maya, haddii aanay wax isbadalin tan iyo bishii January, markaas oo sawir la qaaday uu muujinayay isaga oo gacanta midig ku saxeexaya sawir laga diyaariyey wax soo saar cusub ee diyaarad ah oo Ruushku farsameeyey.

Ma taajirbaa?

Mushahaarkiisa rasmiga ah wuxuu sannadkiiba u dhigmaa 112,000 oo doolar, sida ku xusan macluumaad ay diyaarisay Guddiga Doorashada ee Ruushka ka hor intii aanay doorashadani dhicin. Laakiin laba sano ka hor masuul waaxda maaliyadda ee Maraykanka ka tirsanaa ayaa BBC-da u sheegay in Putin uu yahay nin musuqmaasuq badan, uuna sannado badan qarinayay hantidiisa. “Waxaan aragnay in uu saaxiibbadii iyo dadka ay isu dhaw yihiin uu maalqabeen ka dhigo isaga oo adeegsanaya hantida dawladda, kuwa aanu saaxiibbadii u arkinna uu faquuqo,” ayuu yidhi Adam Szubin. Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ku wuxuu eedaymahaas ku tilmaamay “mala awaal cad”. Si kastaba ha ahaatee qoraal aan rasmi ahayn oo CIA-du leedahay ayaa 2007dii sheegay in hantida shaqsiga ah ee Putin ay ku dhaw dahay 40 bilyan oo doollar, qof wax falanqeeya oo naqdiya Vladimir Putin ayaa sheegay 2012-kii in laga yaabo in hantidiisu ay gaadhtay 70 bilyan, taas oo ka dhigi lahayn ninka ugu taajirsan adduunka.

Miyuu dhintay?

Maya – guushiisa doorashada ayaa sidaas tilmaamaysa wuuna nool yahay. Inkastoo aan sidaas nidhi, haddana xaaladdiisa caafimaad ayaa la isla dhexmaray sannadkii 2015kii, ka dib markii aan fagaare lagu arkin 10 maalmood. Miyaa la afgambiyay? miyuu dhintay? ma ilmo kale ayaa u dhashay oo aabo ayuu noqday? arrimahaas oo dhan ayaa la is waydiiyay, laakiin markii uu madaxweynuhu soo muuqday wuxuu yidhi “nolosha waa lagu caajisi lahaa haddii aanay jirin wararka la isla dhexmaraa”.

Muxuu Putin la muusoodaa?

Inagama duwana inaga oo marka aad faraxsan tahay muusood ayaad ku muujisaa. Maxaa si gaar ah uga qosliya haddii aad leedahayna – bal ka warran markan uu eydiisa barafka kula ciyaarayo?

Putin ma wuxuu rabaa in uu qabsado Ukraine?

Sidaa hore ayuuba u sameeyay qorshahaasna wuxuu kula wareegay Crimea. Si rasmi ah ciidammada Ruushku uma aanay galin qaybaha kale ee Ukraine sannadkii 2014kii – Ruushkuse wuxuu qirtay “in mutadawiciin” ay gacansiiyeen jabhadaha Ruushka la haya ee halkaas ku sugan- laakiin dadka intooda badan marka Ruushka laga reebo waxay aaminsan yihiin in milatarigu uu arrintaas ka dambeeyay. Dhaqdhaqaaqa Ruushka ayaa durba billawday ka dib markii madaxweynihii Ukraine Viktor Yanukovych oo xulafo la ahaa Putin xilka laga tuuray iyadoo badhtanka lagaga jiray mudaaharaadyo lagu taageersanaa Midawga Yurub. Ukraine oo Midawga Yurub u janjeedhsatana waxay u baahnayd in aanay ku tirsanaanin dariskeeda awoodda badan ee dhanka barriga.

Miyuu taageeraa Suuriya?

Suuriya aad muhiim ugu ah Ruushka istaraatiijiyad ahaan, wuxuuna halkaas ku leeyahay labo saldhig oo milatari. Xukuumadda Bashaar Al Asadna wakhti dheer ayay xulafo muhiim ah la ahayd Ruushka. Markii uu Suuriya dagaalku ka qarxay 2011kiina, Ruushku wuxuu tageeray Bashaar Al Asad, laakiin dagaalka faraha lama uusan galin wixii ka horreeyay 2015kii. Ku luglahaanshihii Ruushkuna wuxuu dhaliyay laba ujeeddo oo kala ah in uu xukunka ku sii hayay Assad iyo bar uu ku suntay masraxaha caalamka, isaga oo xaqiijinaya in Maraykanku aanu si sahal ah danahiisa oo dhan uga fushan karin gobolka.

Putin Wiil Ma Dhalay?

Maya, laakiin laba gabdhood ayuu leeyahay waxaana la kala yidhaa Katerina iyo Maria. Wax badan lagama yaqaanno, Putin-na wax badan kaaga sheegi maayo, laakiin baadhitaan ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters sannadkii 2015-kii ayay ku ogaatay in Katerina iyo ninkeedu ay maalqabeen yihiin.

Ingiriisiga Miyuu Ku Hadlaa?

Haa, waxaa la duubay isaga oo si wanaagsan ugu hadlaya Ingiriis, Dmitry Peskov oo ah afhayeenkiisuna wuxuu sheegay in Putin uu saxo turjumaannada haddii aanay si wanaagsan u turjumin Ingiriiska.

Miyuu ka helaa Trump?

Taasi waa su’aal xiiso badan.

Saddex iyo toban ruux oo Ruush ah oo uu ku jiro nin ay Putin isu dhawaan jireen ayaa lagu soo oogay in ay isku dayeen in ay saamayn ku yeeshaan doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, iyaga oo taageeraya Trump iyo Bernie Sanders oo mar u sharaxnaa xisbiga Dimuqraadiga. Laakiin xaqiiqatan Putin ma jecelyahay Trump? taas waxaa ka jawaabi kara madaxweynaha Ruushka.

Miyuu Mamnuucay Matalaadiisa?

Arrintaas ayaa lagu warramay sannadkii 2015-kii, balse taas baddalkeeda waxay u muuqatay soo jeedin ee mamnuucid toos ah ma ahayn. Laakiin intaas ka dib wasiirka cadaaladda ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in sawirro laga sameeyey iyo kuwa kale oo waxyar uun laga badalay ay ula dhaqmi doonaan “alaab argagixiso”.

Ninkan ayaa lagu tilmaamaa mid muddo badan loo soo carbinayay in uu mar uun awoodda Ruushka gacanta ku qabto kadib sannado badan oo uu soo maamulayay waxa uu muujiyey hammigiisa ku aaddan in uu soo celiyo awooddii Ruushku maalmo dunida ku lahaa waana hammbiga ugu weyn ee ninkani xambaarsan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here