Soomaliya Ma U Suurta Geli Doontaa Qorshahooda Ah In Diyaaradaha Ganacsigu Ruqsadda Ka Soo Qaataan Muqdisho?—Faallo” Caarshe

0
109
Lawadaag Asxaabta...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaliya, Maxamed Cabdilahi Oomaar, ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay in sannadka cusub ay dhammaan diyaaradaha dalka u kala gooshaa oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ahi ay dhamaantood soo mari doonaan magalaada Muqdisho, halkaas oo laga siin doono waxaa loo yaqaano rugsada ama ogolaansiiyaha {Permit}, taasoo qasab ka dhigaysa in Muqdisho la soo wadamaro.

Sida aynu wada ognahay maamulka Muqdisho, waxaa uu dedaal badan u galay in ay la wareegaan maamulka hawada oo somalilandna, ay ku jirto, balse weli sidii ay doonayeen uguma ay guulaysan ama gacanta looma soo wada gelin maamulka hawada, waxaase Muqdisho loo soo wareejiyey xafiiskii Nayroobi qayb yar oo ka mid ah oo loo yaqaano FISK, Fight Information For  Somalia.

Qorshan cusub ee dowlada Soomaliya, ku doonayso in diyaaradaha ganacsigu ay soo maraan magaalada Muqdisho,waxay ka mid tahay dedaalada ay ku doonayaan in gebi-ahaanba ay xukumaan maamulka hawaad, waa dagaal ka dhan ah Somaliland, oo la doonayo in maamul ahaan diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada somaliland, lagu hoos geeyo maamulka muqdisho, si loo wiiqo qaranimada iyo jiritaanka somaliland.

Tan iyo markii Somaliland ay la soo noqotay madax banaanideeda 1991-kii, maamulka hawada ama Civil Aviation Somaliland, waxaa uu ahaa mid madax banaan ka awood badan ka muqdisho, balse waqtigan waxay ku dedaalayaan in maalinba maaalinta ka danbaysa ay tallaabo hore u qaadaan si ay ula wada wareegaan awoodaha maamul ee hawada, iyaga ku qanciyanaya Qaramada-modoobay iyo hay’ada ICAO, in ay iyagu haystaan sharciyada dowladnimo ee wadankii la odhan jirey Soomaliya.

Hadaba waxaa is weydiin leh Soomaliya ma suura geli doontaa qorshan cusub ee ay ku doonayaan in duulimaadyada caalamiga ahi ay soo maraan Muqdisho?

Hadii aan su’aasha ka jawaabo, waxaa keli ah ee suura geliya Wasaarada Gaadiidka Soomaliya, in ay Muqdisho soo maraan ama ruqsada ka qaadaan diyaaradaha tegaya maamul goboleedyada Soomaliya, taas oo ay ku guulaysanayaan, balse way adagtahay in ay diyaaradaha caalamiga ah ee heshiish kula jira dowlada Somaliland sida, Ethiopian Airline, Fly Dubai, Air Arabia iyo Air Djibouti in ay ruqsad ka soo qaataan Soomaliya, taasi waa mid adag aan suura gelayn, sababtoo ah diyaradan aan kor ku soo xusay maba tagaan magaalada Muqdisho iyo meel kale toona, iyaga oo aan ku kalsoonayn ammaanka Muqdisho, taas ayaa ka dhigaysa mid aan suura gelinayn.

Waxaase muhiim oo ay tahay hadii aan Somaliland dedaal badan gelin gaar ahaana hay’ada Duulista iyo Madaarada Somaliland, aanay samayn horuumar, sidoo kale caalamka iyo hay’adaha duulimaadyada qaabilsan aanay soo jiidan oo aan la xoojin awooda hay’ada Duulista Somaliland, waxaa iman doonta maalin ay ku guulaystaan in ay la wareegaan diyaaradaha oo Muqdisho ruqsada laga soo qaato, taasoo horseedaysa in la ina kaga guulaystey arrimaha maamulka hawada.

Gunnaanad

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa waa in la dhisaa hay’ada Duulista Somaliland, oo ay noqotaa mid la jaanqaada isbedelka iyo horuumarka ay samaynayaan hay’ada la mid ka ah ee Bariga Afrika.

Marka aynu dhisano hay’adeena Duulista, inaga ayaa ka awood badan cidkasta oo isku dayda in ay ruqsad siiyo diyaradaha ganacsiga ee Somaliland yimaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here