Soo Dhawayn Qaran Oo Lagu Qaabilay Xulkii Faransiiska Ee Ku Guulaystay Koobkii Aduunka Iyo Dareenka Madaxweyne Macron

0
95
Lawadaag Asxaabta...

Boqollaal kun oo ruux ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Paris ciyaartooyda iyo macalimiinta xulka kubadda cagta Faransiiska, kadib marki ay ka soo laabteen dalka Russia oo ay Axadii kusoo qaadeen Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka.

Taageerayaasha Faransiiska ayaa tubnaa Laga soo billaabo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Charles de Gaulle ee magaalada Paris ilaa waddada caanka ah ee Champs-Elysées.

Sagaal diyaaradood oo ah kuwa dagaalka Faransiiiska ayaa ka qeybgalay mashxadi lagu soo dhaweeyay ciyaartooyda Faransiiska. Ciyaartooyda oo saarnaa bus kor ka furan isla markaana ruxay koobka dahabiga ah ayaa ugu danbeynti tagay qasriga madaxtooyada.

Madaxweyne Emmanuel Macron oo si diirran usoo dhaweeyay ayaa u sheegay in ay rumeeyeen riyadii dadka Faransiiska isaga oo si weynna ugu mahadceliyay sida ay kor ugu qaadeen magaca dalka Faransiiska.

Faransiiska ayaa Axadi kasoo badiyay xulka Croatia ciyaarti finalka oo ku dhamaatay 4-2.

Sidaasi si la mid ah boqolaal kun oo ruux ayaa si layaab leh ugu soo dhaweeyay magaalada Zagreb ee caasimadda dalka Croatia, ciyaarta xulka kubadda cagta dalkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Croatia ayaa soo galbiiyay dayaaraddi wadday ciyaartooyda kadib marki ay soo galeen hawada Croatia ilaa ay kasoo gareen caasimadda.

Dowladda ayaa lacag la’aan ka dhigtay dhamaan gaadiidka dadweynaha Isniintii ee dalkaasi.

Dalkan oo ka mid ah wadamada ugu yar Yurub ayaa u dabaaldagay guushi ugu weynedy oo ay kasoo hooyaan kubadda cakta abid taasoo aheyd in ay kaalinta labaad kasoo galeen koobka aduunka ee 2018-ka lagu qabtay Russia.

Croatia ayaa noqday qaran la aqoonsanyahay billowgi Sagaashamaadki kaddib marki uu xorriyada ka qaatay dalki la dhihi jiray Yugoslavia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here