SONSAF Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

0
136
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 09, 2018- (Foore)- Dalladda Ururrada Jilayaasha Aan Dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xafiiskooda waxa ay kaga hadleen kulamo is daba joog ah oo ay SONSAF qabatay oo lagu gorfeeyey sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada. kulankan oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee dalladda SONSAF Ugu horrayn waxa saxaafadda la hadlay Agaasimaha Fulinta SONSAF Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani oo ka hadlay ujeedada kulankan iyo baaqay ay Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland ka soo saareen qabsoomidda doorashooyinka soo socda, waxa kale oo isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ku dheeraaday kulamadii Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland u qabsoomay iyo aragtidooda ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka innagu soo fool leh iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xal degdeg ah laga gaadho dhammaanba caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu dambayn waxa war-saxaafadeedka SONSAF soo saartay oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SONSAF Mudane Anwar saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka SONSAF Md. Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Ujeeddo: War- Saxaafadeed ku Saabsan Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka

Kulamo is-daba joog ah oo ay yeesheen Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland intii u dhaxaysay 5tailaa 9ka bisha August 2018 ayaa waxaa lagu gorfeeyey qabsoomidda Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee isbarkan. Waxaaana kulamadaa aad loogu daraasadeeyey ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee la muddeeyey bisha March 2019.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay is ku raaceen in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanku uu saamayn taban ku yeelan doono Somaliland horumarkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshaba, sidaa daraadeed Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay ku baaqayaan in aan marna Bulshada Somaliland aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada oo muddo dhaafay in ka badan toban sanadood iyo Golaha Deegaanka oo mudo dhaafay laba sano ku dhawaad.

Waxay Ururada Bulshada Rayidka ahí aad u falanqeeyeen cabashada saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Sool, waxayna Ururada Bulshada Rayidka ahí ku talinayaaan in wada hadal dhab ah laga yeesho saami qaybsiga kuraasta si looga fogaado khilaaf dambe oo la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

Haddaba waxa ay Ururada Bulshada Rayidka ahí soo jeedinayaan talooyinka soo socda:-

  1. In doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka la qabto xiligii loo muddeeyey March 2019, waana in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keenaya qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Degaanka ee isku lamaan.
  2. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada ee Gobolada dalka waa in laga gaadho xal kama dambays ah iyada oo lagaga gudbayo Talo- Qaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaybna ay ka yihiin Asxaabta Qaranka, Golayaasha Sharci dejinta, Ururada Bulshada Rayidka ah, Madax dhaqameedka, Culimaa u diinka, iyo aqoon yahanka dalka.
  3. Waa in si dhakhso ah loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya Xisbiga Waddani iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, waana arrin loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu wada hadal kala yeesho Xisbiga Waddani sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaas.
  4. Waa in Madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka, Golayaasha sharci-dejinta iyo dhamaan Bulsho waynta Somaliland ay ahmiyad gaar ah siiyaan qoondada haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka.

Ugu dambayn, Ururada Bulshada Rayidka ahí mar labaad waxay ku baaqayaan in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaankuba ay noqon doonto mid khatar galisa geeddi socodka hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland, dhaawacna gaadh siinkarta sumcaddii Somaliland ku lahayd Dunida.

Anwar Abdirahman Warsame

Guddoomiyaha SONSAF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here