Siyaasigii Ugu Horreeyey Ee Dalka Maraykanka Kaga Dhawaaqa In Uu U Taagan Yahay Musharaxnimada 2020

0
231

San Antonio (Foore)- Guddoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Magaalada San Antonio ee Gobolka Taksas ee dalka Maraykanka, sidoo kalena ahaa Wasiir ka tirsan Xukuumaddii Madaxweyne Barrack Obama Julian Castro ayaa si rasmi ah subaxnimadii Axadda waxa uu ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay tartanka Musharaxnimada loogu ordayo Doorashooyinka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ka qabsoomi doona sanadka 2020.

Julian Castro oo 44-jir ah ahna nin aad u firfircoon oo da’ yar asal ahaana ka soo jeeda Ameerikaanka asalkoodu yahay Laatin Ameerika ayaa haddii uu xisbiga Dimuquraadiga oo uu ka tirsan yahay ka soo dhex baxo waxa uu noqon doonaa ninkii ugu horreeyey ee hungureeya kursiga Madaxnimo ee dalka Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda qabaa’ilka ka soo jeeda Mexico ee dalkaasi awawyaashii u soo haajireen waxaanu tartan adag doonayaa in uu la galo haddii uu soo baxo Madaxweynaha wakhtigan dalkaasi Maamula Donald Trump oo isna dhiniciisa isu diyaarinaya in uu mar labaad ka soo tartamo xisbiga Jamhuuriga oo uu muddo xileedkiisa labaad doonayo in uu soo laabto.

Julian Castro ayaa subaxnimadii Axadda waxa uu taageerayaal badan kula hadlay fagaare uu kaga dhawaaqay Hungurigiisa tartanka Musharaxnimo ee Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga dhexdiisa isaga oo uu weheliyo ninka ay walaalaha yihiin ee waliba mataanaha ay yihiin oo lagu magacaabo Joaquin Castro oo ah xubin ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka oo laga soo doorto Gobolka Taxes.

Wargeyska FOORE oo arrintan wax ka qoray waxa uu intaasi ku darayaa in Jualian Castro oo xaafadda uu ku dhashay ee Magaalada San Antonio taageerayaashiisa kala hadlayay uu yidhi: “Markii ay xaafaddan soo degtay ayayday boqol sano ka hor. Xaqiiqo ahaan may sawiranayn laba jiil oo kali ah oo iyada ka dambeeya in ay u soorto gali doonto in ay isu taagaan hogaaminta Maraykanka. laba jiil oo kali ah oo tafiirteeda ah may aaminsanayn in ay ku gaadhi karaan heerkaasi ay ku damcaan in ay Maraykan ku hogaamiyaan. May aaminsanayn in wiilka ay ayayda u tahay ka mid noqon karo Golaha Koonagaryska Maraykanka wiilkeeda kale ee ay ayayda u tahayna uu isu diyaarin doono Musharaxnimada Madaxweyne ee Maraykanka oo dhan. Tani waa qiimaha uu leeyahay Maraykanku. Waxaan idiin sheegayaa in aan maanta ku dahwaaqayo in aan ahay Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Maraykanka”.

Julian Castro ayaa ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa isaga ooh al-ku-dhegga Tartankiisa si rasmi ah shaaca uga qaaday, halku-dheggaasi oo noqonaya “UMMAD KALI AH, MUSTAQBAL KALI AH”.

Shaacinta Musharraxnimo ee dalka Maraykanka uu kaga dhawaaqay Julian Castro ayaa ku soo beegmaysa wakhti qaddiyadda dadka Muhaajiriinta ahi meel xasaasi ah marayso oo waliba Madaxweyne Donald Trump aad mooddo in uu dagaal adag kula jiro waxaana xiisaha arrinkani yahay in Musharraxan laftiisu tahay mid awawyaashii soo mareen jidka uu Trump doonmayo in uu Gidaar weyn isaga xidho.

Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa la filayaa in ay dhexdiisa ka dhacaan loolammo iyo tartan aad u culusi waxaana sannadkan soo baxaya siyaasiyiin da’yar iyo kuwo Ruug caddaaba leh oo doonaya in ay ku guulaystaan xubinta xisbiga uga qayb gali doonta doorashooyinka soo socda ee 2020 si ay awood u saaraan ay talada dalkasi kaga guulaystaan Donald Trump.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here