Siyaasi Ramaax Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyey Nin Aan Talooyinka Qaadan Sheegayna In Uu Isaga Baxay Xisbiga KULMIYE Kuna Biiray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID

0
142
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 22, 2018- (Foore)- Badhasaabkii hore ee Gobolada Saaxil, Togdheer, Awdal, Sanaag iyo Gabiley Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo in muddo ahba ka maqnaa saaxadda siyaasadda tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaaday xilka Badhasaabka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu si cad markii ugu horraysay u sheegay in uu isaga tagay xisbigii KULMIYE ee uu muddoda dheer ku soo jiray isaga oo sheegay in uu u digo rogtay xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka isaga oo arrinkaasi ku sababeeyey in Xisbigii uu muddoda dheer ka tirsanaa iyo xukuumadda uu soo dhisayba ay dul hoganayaan dhaliilo aad u badan oo kala duwani.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo waraysi gaar ah siiyey Wariye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka ERYAL TV ayaa waxa uu yidhi: “Anigu rasmi ahaan waxa aan u goostay in aan u digo rogto Xisbi Mucaarid ah. Xisbigaasi oo ah xisbiga UCID oo aan u arko mid aan ku muujin karo oo kaga shaqayn karo afkaartayda aan aaminsanahay ee dhismaha qaranka oo aan ku toosin karo dhaliilaha faraha badan ee ka muuqda xisbiga KULMIYE oo ah ka maanta talada haya oo aan horena uga mid ahaa. Aniga oo xataa isaga ka mid ah ayaan sheegi jiray dhaliilaha aan arko ee ii muuqda kaasi ayaan haddana maanta doonayaa in si aan u toosiyo aan mucaaridad salmi ah  muujiyo. Mar walba qofka muwaadinka ahi waa in uu ku fekero ama qofka siyaasiga ahi waa in uu ku fekero hadba halka dalku marayo iyo halka uu wax uga tari karo sidaa daraadeed waxaan go’aansaday aniga oo miyirkayga iyo maankaygaba qaba in aan ka mid noqdo xisbiga Mucaaridka ah ee UCID”.

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sababeeyey arrimaha sida gaarka ah ugu kallifaya in uu KULMIYE ka dhaqaaqo waxaanu yidhi: “Dad badan baa laga yaabaa in ay is waydiiyaan oo ay kohdaan in qofku xil xisbi ku ahaa in aanu Golihii dhexe ka mid ahaan in aanu xubin ahaan oo aanu kaadhkii haysan sidaa darteed wuxuunbaad ahaanaysaa taageere taasi oo aan u arkay in aanay ahayn wax ii cuntama oo aanad fikirkaagii siyaasiga ahaa macal KULMIYE dhexdiisa aana ka sheegi karayn maadaama aanad ka mid ahayn Golihiisii dhexe, Fulintii iyo wax kale toona ee aad ku ahayd xil ku KULMIYE.  Horena waan idiinku ballan qaaday oo waad ogayd maalintii hore ee aan idinla hadlay een aan makarafoon isa soo hor taago. Ballankaygu waxa uu ahaa in aan sheegi doono mawqifkayga siyaasiga ah”.

Mar wax laga waydiiyey Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax aragtida ay dadka qaarkii is odhan karaan in markii uu xukuumadda xil ka waayay ee xilkii badhasaabnimo hore looga qaaday in uu yidhaa maanta KULMIYE waan isaga baxay, ayaa waxa uu siyaasi Ramaax ku jawaabay sidan:

“Halkani waa halka aan is leeyahay dalka iyo dadkaba waxbaad uga qaban kartaa. Dalkeenu maanta waxa uu u baahan yahay Mucaaradad wax dhisaysa oo salmi ah. In badan xisbigaygii KULMIYE talooyinka ayaa nalaga qaadan waayay. Jimcahan Jimihii ku laba ahaa waxa aanu Muuse Biixi wada joognay 3 saacadood. Maan ahayn nin gudahana ka maqan. Waanu is aragnay. Talooyin iyo arrimo badan buu na waydiiyey. Waxaan u arkay in ay ka fiican tahay in umadda loo caddeeyo waxa dhaliilo ah ee jira oo aan galo xisbi Mucaarid ah oo aan runta ka sheego oo aan tilmaamo meel walba oo ay dhaliilo ku leedahay dawladdu. Dalkan innaga ayaa leh markaan u shaqaynayayna waad ogaydeen in aan waxyaabo badan ka sheegi jiray. Anoo xilka haya ayaan wax sheegayay oo aan haddana gudaha ku jiray oo aan talada wax ku lahaa aan Badhasaab ahaado ama aan Madaxtooyada Hargeysa imaaddee oo talooyinka nalaga qaadanayay balse maanta ma muuqato taasi”. Ayuuu yidhi Siyaasi Ramaax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here