Siyaasi Ramaax Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyey Mid Gabi Ahaanba Ku Fashilmay Wixii Umaddu Ka Filaysay, Xukuumaddiisuna Noqotay Faashil Aan Waxba Laga Sugayn

0
61
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, November 8, 2018- (Foore)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa eedo culus iyo dhaliilo is xambaarsan huwiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay mid umaddii soo dooratay hungo ka taagan tahay oo lagu khasaaray wax Alla wax ay umadda u qabteen mudadii ay xilka hayeena aanay jirin isaga oo Siyaasi Ramaax xusay in Madaxweyne Muuse Biixi uu gabi ahaanba mudadaasi sannadka ku dhaw ee uu xilka hayay u muuqdo mid ku fashilan wixii uu ololaha ku galay ee uu ugu horreeyo buuggii qorshaha wax-qabad ee KULMIYE doorashada ku galay kaasi oo aan waxba laga qaban.

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shir jaraa’id saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga UCID ee caasimadda Hargeysa waxa uu sheegay in Bulshada Somaliland in ka badan  Boqolkiiba Shan iyo Toddobaatan 75% ay saluugsan yihiin qaabka uu wax u wado Muuse Biixi iyo waxa uu illaa imika qabtay oo umaddu saluug weyn ka qabto. Isaga oo arrimahaa iyo kuwo kaleba ka hadlaya waxa uu Ramaax yidhi:

“Mudane Madaxweyne waxa ay xisbiyada Mucaaridka iyo Umaddu soo jeedinayaan ee ay qabaan waxaa lagaaga baahan yahay in aad dhugato oo aad dhagaysato oo aad iska saxdo ayaa dalku u baahan yahay oo aan annana u taaganahay. Madaxweyne shaqo-doon nagama aha hortaadaan ka caddeeyey in aanan dib uga mid noqon doonin xukuumad aanan mindida daabkeeda hayn waana sida xukuumaddaada oo kale aan ka arkay. KULMIYE Waxa aannu ugu soo halgannay waxa ay ahayd is baddal baanu doonaynayn iyo wixii umaddu doonaysay oo ah horumar iyo in dalkani tallaabsado tiina waa lagaa waayay oo hungo ayaa lagaa taagan yahay. Dadkii ku doortay faro madhan bay ka taagan yihiin, dadkii ku doortay oo aan anuu ugu horreeyaa. Mucaaridka dastuurka ayaa u xaqiijiyey in ay sheegaan dhaliilaha dawladda iyo halka ay la liidato mana aha wax wanaagsan in mar kasta oo aad hadasho aad warbaahinta isla soo taagto in aad u jawaabto Mucaaridka. In aad ka xanaaqdo maaha waa lagu dhaliilayaa. Annaga mucaaradadayadu waa dhisme ee maaha dumin waana lagu dhaliilayaa. Waxaan saaxiibkay Muuse ka arkay Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin baan leeyahay”.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Ballanqaadkii aannu wakhtigii KULMIYE doorashada ku ballan qaadaynay iyo buuggii qorshaha waxqabadka aanu ku tala galnay hal qodob oo ka fulay maad haysaa oo ma jiraa. Ma jiro weeyi. Inta wareegto ee Madaxtooyada ka soo baxday inta fushay iyo inta aan fulin waad haysaan taasi ayaa caddaynaysa in aanay xukuumaddani waxba qaban. Waa nasiib darro umaddiina way ku lugo’day. Umadda ayaana ii markhaati ah oo ma aha wax la qarin karo. Tallaabo alla tallaabo uu qaaday oo wax qabad ahi ma jirto. Maanta waxaan qabaa 75% guud ahaan marka laga tago inta yar ee danaha shakhsiga ah ama shaqo eeganaysa mooyaane in qof waliba dareensan yahay xaaladda dalku marayo iyo in aan Muuse Biixi laga hayn wixii umaddu ka sugaysay”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Ramaax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here