Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Daaha Ka Rogay Siro Huursan Iyo Sababta Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn Looga Reebay Caarre

0
124
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 27, 2018- (Foore)- Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Cali (Sheekhal Axmar) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa daaha ka rogay siraha ku duugan sababaha Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn looga reebay Kornayl Siciid Cawil Caare oo wakhtigaasi koox jabhad ah ku haystay Goob ka tirsan Deegaankii shirku ka dhacay balse imika Maamulka Puntland isku dhiibay, waxa uu sidoo kale iftiimiyay cidda ay u taalo xalinta arimaha kornaylkaasi tabanayo.
Masuulkan oo Hargeysa kula Hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Oday ka tirsanaa Gudidii Nabadda ee Ceel Afweyn ayaanu masaajid kuwada tukanay, dabadeedna waxaan aad u jeclaystay inaan waydiiyo Maxaa Taliye Caare ka reebay Nabadayntii Ceel Afweyn,oo maadaama oo Arintii laga dhameeyay Ceel Afweyn Caarena loo raacin waayay, Wuxuu nagu yidhi Marki horena Qorshaha noogumay jirin, balse markii aanu arinka badhtanka kaga jirnay ayaanu jeclaysanay inaanu Caarena ku darno,arinka Caare Xukuumadda ayaa tidhi, anaga ayaa dhamaynayna, ee idinku ta Qabaa’ilka dhexdooda Colaada ka jirta damiya, Arinka Caare, sidaasi markii la ii sheegay, arin macquul ah ayuu noqday, oo Caare waa nin Kornayl ah oo nin sare oo ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsanaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Anigu talo hagaagsan ayaa u arkay inay Xukuumaddu,arinkii sidaasi ahaa, waa tii uu Caare markuu arkay inay Nabaddii Dhamaatay, isna wali cidlo fadhiyo, Xurgufta horena, sida dad Xog ogaal ahi ii sheegeen ay cadhadiisu ahayd mid Ciidan ee aanay ahayn Cadho Qabiil, oo isaga iyo ninka ka sareeyay ay is yar fahmi waayeen, dhawr goorna uu ka cudur daartay, oo uu u sheegay xiitaa taliyihiisa guud oo uu ku yidhi waar aniga iyo ninkaasi!”
Ugu dambayn waxa hadalkiisa ka mid ahaa “hadal iyo dhamaantii, Arinkaasi Caare waa Arin fadhiya Xukuumadda, Axmed Yuusuf Yaasiin waad maqlayseen, Raggii Ergada ahaa ayuu ahaa, Madaxweyne Ku Xigeenkii Riyaale ayuu ahaa, waanu damacnay inaanu Arinka Caare dhamayno laakiin waa nalaga joojiyay ayuu yidhi,”, Saakana Caarre Aano uma aha Reer Hebel, aano waxa uu u yahay Ciidankii uu ka tirsanaa, markaa waa in dhulka loo dhigo oo damacsanaan lagu baadi goobo, sidoo kale halka ay ka janjeedho ee uu arinku yaalaa waa Xukuumadda,Madaxweynaha Iyo Jananka Ciidamada,taasi waa taasi”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here