Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Waxyaabihii Ku Jiray Faylkii Madoobaa Ee Uu Madaxweynaha Gaadhsiiyey

0
112
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore):-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa soo bandhigay waxyaabihii ku jiray faylkii madoobaa ee uu gaadhsiiyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu sheegay in faylkii madoobaa ee uu hayey ay ku jirtay warqad muujinaysa khariirada Waddo isku xidhaysa Berbera iyo Doolow oo loogu magac daray Cali Sanyare.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Arimaha horu marinta waxaanu isla soo qaadnay dariiq isku xidhaya Berbera ilaaa Doolow kaas oo aanu u bixinay Cali Sanyare Corridor, faylka lay waydiiyeyna waxa jiray mashruucaas, faylkii madoobaana arintaas ayaa ku jirtay, waxaanay ahayd mid aanu aad u gorfaynay oo ay dan wayni ugu jirto Somaliland, arimaha aan itoobiya u tagay ayaanu mashruucaasi ka mid ahaa.”

Su,aalo badan ayaa ka dhashay waxyaabaha ku jiray faylkii madoobaa ee Ismaaciil Buubaa gacanta ku sitay wakhtigii uu la kulmay madaxweyne Muuse Biixi, balse maanta ayuu si rasmi ah  u soo bandhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here