Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Shaaciyey Tirada Koox Madaxweynaha Cunaha Isaga Duubtay, Iyo Hab- Dhaqanka KULMIYE Oo Uu Ku Sheegay Mid Danaysi Ah

0
102
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 01, 2018- (Foore)- Qoraaga iyo Siyaasiga caanka ah ee Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo ka mid ah siyaasiiinta iyo aqoonyahanka inta badan ka hadla xaaladda hadba dalku ku sugan yahay laguna xasuusto tan iyo wakhtigii xukuumaddii Cigaal sida uu xaaladda dalka uga hadli jiray ayaa waxa uu si adag u dhaliilay kooxo isku duubay sida uu hadalak u dhigay Madaxweynaha iyo halka qaranka looga taliyo oo ku dhaqma siyaasad danatsi ah isaga oo sheegay in Madaxtooyadii loo gali la’yahay 7 Inan oo yaryar oo Inan kale lagu daray sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasi Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) waxa uu xusay in nidaamka xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE dalka ku soo kordhiyay ay ka mid tahay siyaasada danaysi ah oo mashaariic uun la eryanayo cid iyo qaran loo danaynayaana aanay jirin isaga oo tusaale u soo qaatay Mashruucii Biyo Ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo uu sheegay in kooxo dhaqaale raadis ah uu u ragaaday kuwaasi oo ku xisaabtamaya Malaayiin Doollar oo ay jeebabka ku shubtaan haddii kalena la iska oomanaado.

Qoraa Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Marka siyaasadaha Somaliland la faalaynayo. Waxa la yidhaahdaa hebel muxuu garanayaa way dhimatay. Hebel muxuu waayo aragnimo leeyahay way dhimatay. Hebel muxuu aqoon leeyahay way dhimatay. Hebel muxuu qaban karaa way dhimatay. Waxa isku soo hadhay siyaasadda nooceeda danaysiga la yidhaahdo ee uu Hadraawi lahaa waxba kama go’aan ruux ku shubay xeedho gudaheed. Siyaasadda Somaliland iyo taliska iyo Madaxtooyadaba waxa isku xeeray kooxo dhallinyaro ah oo danahooda gaarka ah ku cabbiraya. Xataa haddii Madaxweynuhu yidhaa iigu yeedha qof talo qabeen ah waxa ay odhanayaan hebelkaasi danaheenii muxuu malaha jiidhayaa. Dantii halkaasi ahayd buu jiidhayaa. Amaba Madaxweynaha ayuu lacag ka doonayaa. Waar lacagta ma iyagaa iska leh?!. Umadda ayaa lacagta iska leh. Deedna ma joogo. Taleefankiisii baannu u dirnoo wuu xidhan yahay. Hadday doonaan wuuba ku diiday ayay odhanayaan. Dabadeed Mushkiladdiiba waxa ay ka dhacday. Shan nin, lix nin ama Toddoba nin oo shiraya oo inta ay shir gaar ah qabsadaan mu’aamaradaynaya Madaxtooyadii, Madaxweynihii iyo siyaasaddii qaranka oo dabadeedna odhanaya hebel wuu ku diiday. Ninkii wax garanayay, kii aqoon lahaa, kii waayo aragnimo lahaa iyo ninkii dhaqan ahaa, iyo ninkii Cilmi lahaa iyo ninkii Diin lahaa way dhinteen. Waxa isugu soo hadhay koox yar oo danaysataal ah oo Mashruuc ay heleen u arka. Qandaraas inta tartan loo galay ay heleen bay u arkaan Madaxtooyadii, dabadeedna qandaraaskaasi ayay ilaashanayaan. Wixii aqoon lahaa way ka cararayaan. Wixii waayo aragnimo lahaa way ka cararayaan wixii aqoon lahaa way ka baxsanayaan. Kii soo doonta ee is yidhaa Madaxtooyada tagna wuu ku rafaadayaa markii dhawr maalmood tago”.

Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Magacaagii iyo dawladnimadii ayay ku cayaarayaan. Waxa ay ila tahay Madaxweyne in aad arrimahaasi ka digtoonaato. Maanta waad cusub tahay haddana dawladdaadu waxa ay u shaqaysaa sidii mid muddo dheer soo jirtay. Dawlad Afar sano, shan sano iyo badh jirtay sideeda ayay u shaqaynaysaa oo badh kali ahi u hadhay. Waxaana ka dhigay 7 inan oo yaryar oo kugu xeeran. Magacyadooda sheegi maayo. Waa la wada yaqaanaa. Ragga qaar waxa ay yidhaahdaan 7+1. Waxa loo yaqaanaa 7 oo loo geeyey 1. Toddobadii iyo kii lagu daray ayay yidhaahdaan. Anigu kaa lagu daray garan maayo. Mushkiladdaasi ayaa meeshan taalla. Inkasta oo la yidhi cid ku soo gaadhi kartaaba ma jirtee bal haddana annagu kuumaanu iman mana doonayno in aan kuu nimaadno balse in aad wanaagsanaato ayaanu doonaynaa. Haddaad wax wanaagsan qabato waxaasi ayay umaddu wax ku yeelanaysaa oo wanaag ah”.

“Haddii dawladnimada laga dhigo wax qof ku danayso waxa la yidhaa siyaasadda danaysiga waana siyaasad faashil ah. Wax cidi ku danaysato, wax qof gaar ahi ku danaysto ama wax reeri ku danaysto haddii ay noqoto dawladnimadu waa nasiib darro. Siyaasadda danuhuna meel ma gaadho. Dhaqankaasi wuu gaamuray oo meel adag buu gaadhay. Siyaasaddaasi waxa ay bilaabantay xilligii xisbiga KULMIYE talada dalka qabsaday. Intii ka horraysay wuxuunbaa la odhan jiray muxuu qofku aqoon iyo waayo aragnimo leeyahay gaar ahaan wakhtigii Ina Rayaale iyo Cigaal iyo ayaa la is odhan jiray. Imika waxa weeyaan muxuu innoo hayaa. Haddii mashruuc dalkan la keeno. Tusaaale aan idiin soo qaado. Mashruucan Biyo galinta ee magaalada ka soo qaad. Mashruucii biyo galinta Hargeysa rag baa halkan inta ay fadhiisteen isku dul toleen doonaya in ay qaataan. Waa 20 Malyan. 5 aan maal-galino 15 na ha innagu baxdo innaga ayay leeyihiin. Xisaab caynkaasi ah. Waar dadkii iyo dalkii mee. Ma ha oomanaadaanbaa, ma hala jabaa?!!. Siyaasaddaasi danaysiga ah ee ay ku mameen innamo yaryar oo aan aqoon iyo waayo aragnimo toona lahayni oo is leh ku danaysta oo is leh guushii iyo dawladnimadii la gaadhay ku danaysta taasi burbur baa looga dhacayaa. Madaxweynaha waxaan kula dardaarmayaa, Madaxwweyne arrimaha hoos u eeg. Haddii ay kula tahay adiga. Haddii aanad maqlina imikaba maqal” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay).

Halkan Ka Daawo Hadalka Cali Qoryooley:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here