Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo Kasoo Horjeestay Dagaalka Tukoraq, Luuqad Aan Baryahan Looga Baranna Kula Hadlay Somaliland

0
105
Lawadaag Asxaabta...

Laascaanood, July 14, 2018- (Foore)- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa markii u horaysay ka hadlay Dagaalka Tukoraq,waxaana uu sheegay inaanu kooxdiisa waxba lagala socodsiin Dagaalkaasi Islamarkaana waxa uu si cadho leh ugu tiiq tiiqsaday Magaca Somaliland isagoo ka dhigay Maamul,Lana Maseeyay Maamul Goboladeeda Kajira Soomaaliya,Waxa uu sidoo kale Walaac ka muujiyay inaanu wali saldhigan heshiiskii ay Kooxdiisa iyo Dawladda Somaliland wada galeen,isagoo sheegay inuu saluugsan yahay Qaabka Heshiiskaasi u dhaqan gali laayahay illaa hadda.

Cali Khaliif Galaydh ayaa hadalkan ka jeediyay Kalfadhi ay iskugu yimaadeen Kooxdiisu,kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland,Waxaanu u yidhi isagoo ka hadlaya Dagaalka Tukoraq“Rajo badan oo  naga gashay in Deegaanka Nabad lagu wada waari doono oo lagu wada dhaqmi doono,laakiin colaadii hore mid kaba culus ayaa kaabiga inagu haysa,oo aan inaga fogayn,Haddaan Khaatumo nahay iyo hadaano dadka reer Sool,Sanaag iyo Cayn nahay,dagaalkaasi lanagama talo galin,War iyo wacaalna uma hayno,Dhulkana dadkaasi ayaa leh, Reer Sool,Sanaag iyo cayn ayaa leh,Maamulo ayaa isku dilaya,Maamul  isdila oo dhulkan isku dila Talyaanigii iyo Ingiriiskii ayaa noogu dambeeyay,wakhtigan aanu joogno oo Qarniga 21-Aad ah, in maamulna midoodna Dhul aanu lahayn inay ku dagaalamaan nama anfacdo, Abtirsiimaddan Cusub ee lala roorayo, Bahashu ma shalay uunbay dhalatay,bahasha ma Awrka ayaa lagu kacsanayaa mise danno ma guurto ah ayaa jira”. Waxa kale oo uu yidhi“Dhulkan anaka ayaa leh,Taladiisana haddaan nalaga qayb galin ama hormood ka ahayn meel uu gaadhayaan majirto oo waa hadal uun,waar sidaasi ayaanu anaga oo Miyir qabna oo waxa dantayadu tahay ka marin habaabayn ayaanu go’aansanay Somaliland wadahadalo inaanu la galno,Wada hadaladaasi waan wadaynaa,Meel fiicanna way marayaan,waan saluugsan habka loo wado iyo Inaan Hawshaasi dhakhso loo kala jarayn,waar cid kale miyaad haysaan oo danaha lawada leeyahay meel looga soo wada jeesto,Anigu ma hayo”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Waar waxa Tukoraq oo Gambadha 20Km u jirta in la duulay loo tagay anigu garan maayo,waar haddii aanu heshiino Maamulka Somaliland anaka ayaa diyaar u ah in Xuduudka iyo Bixin la tago,laakiin haddaanaan heshiin oo waxaanu wada leenahay aanaan dhisan,anagu dagaal shuqul kuma lihin,waar dagaal aan lanaga talo galin oo Telefishankaasi uun aanu ka maqalnay waar anagu ma galayno,waar illaa aan ka heshiino oo daacadnimo iyo wax dhab ah aanu ku heshiino oo muran ma doonto ah waar anagu dagaal magalayno”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here