Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo M/Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Hargeysa Ku Casuumo Madaxda Soomaalida Si Looga Tashado Is Baddalka Mandaqadda

0
22
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 06, 2018- (Foore)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu dhigo gogol ay isugu yimaaddaan Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika si looga wada tashado wixii ay Soomaali ka yeeli lahayd is baddalka mugga leh ee ka socda Mandaqadda Geeska Afrika isaga oo dhinaca kalena Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu raalli gelin buuxda ka siiyo walaalaha Jabuuti xaaladda safarkiisii Asmara halka uu sidoo kale beelaha reer Somaliland ee dhawaan Ceel Afweyn lagu heshiisiiyey ugu baaqay in ay heshiiskaasi dhawraan oo aanay mar dambe halkaasi waxba ka soo noqon.

Siyaasi Obsiiye oo inta badan ka hadla hadba wadciga taagan iyo xaaladda dalka kuna eega aragti siyaasi oo dhexdhexaad ah oo madax bannaan ayaa waxa uu mar uu saxaafadda la hadlayay yidhi: “Waxaan halkan Bogaadin iyo ducoba uga dirayaa Guddidii iyo waftigii ballaadhnaa ee cid walb alahaa ee ka qayb qaatay xallinta Khilaafaadkii labada beelood ee walaalaha ah eek u diriray Ceel-Afweyn Gobolka Sanaag. Haddii ay yihiin xukuumad, haddii ay tahay culimo, Hadii ay tahay siyaasiyiin, haddii ay tahay salaadiin iyo madax dhaqameed, Haween iyo dhallinyaraba waxaan leeyahay Ilaahay ha idin barakeeyo. Labadaasi beelood ee walaalaha ah ee halkaa khilaafkooda lagu xalliyay ee lagu heshiisiiyeyna waxaan leeyahay wax badan buu arrinkaasi soo noqnoqday oo waxaa fiican in aad ka kortaan oo dadkaa walaalihiin ah ee idiin soo gurmaday ee aad arkayseen inta ay le’egyihiin cadadkoodu ee aan cidina u maqnayn. Inaydaan khasaarin oo aydaan dadaaloodaasi ka dhigin hal bacaad lagu lisay. Qofku waxa samaynayo in uu u fiirsadaa waa daruuri. Is waydiiya bal waxaad dadkiinii ku layseen ee aad ku disheen walaalkiin. Seeddigiin iyo soddogiin oo ah walaalihiin oo islaam ah. Waxaan leeyahay arrinkaasi yaanu dub innoogu soo noqon. Waxa la idinka rabaa mahadnaqeeda iyo in aanay dib innoogu soo noqon arrintaasi. Dhinaca kale Colaadda Tukaraq haddii aan iyana ka hadlo. Waxa loo baahan yahay in colaaddaasi aan la ilaawin oo aan la iska dhigin. Waxa loo baahan yahay si alla sidii lagu xallin lahaa in falawgeed la qabto oo degdeg hawshaa lo qabto. Waa in xil la iska saaraa oo hawshaa hadda loo guntadaa arrinteeda”.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ah Aqoonyahan iyo Siyaasi madax bannaan ayaa farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ugu baaqay in uu gogol nabadeed u fidiyo guud ahaan Madaxda Soomaalida. Si looga tashado is baddalka siyaasadeed ee ku socda mandaqadda Geeska Afrika. Siyaasiga oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Arrinkii Farmaajo maalintii dhawayd ee uu tagay Magaalada Asmara ee Eretria haddii aan wax ka idhaa. Waxa aynu nahay dad gogol ku wada fadhiya oo si walba isku saamaynaya oo dhaqan diin iyo diirba ay ka dhaxeeyaan. Farmaajo waxa aan ugu baaqayaa in uu u cudur daarto walaalaheena Jabuuti oo uu raalli galin buuxda ka bixiyo. Jabuutina waxaan leeyahay yaanay degdegin. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Nin Habari dhashay hal ma seegi waayo. Waxaan qabaa in Farmaajo aanay badheedh iyo xumaan ka ahayn iyo in uu xumaynayo Jabuuti. Farmaajo waa in uu arrinkaa cudur daar ka bixiyaa Jabuutina ay dul-qaadkeeda ka yeelataa. Dhinaca kale maanta is baddalka ka socda mandaqaddan waan aragnaa. Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u soo jeedinayaa inuu fidiyo Gogol oo uu dhammaan Soomaali meel kasta oo ay joogto u fidiyo Gogol. Haddii ay tahay Farmaajo iyo haddii ay tahay Cabdiweli Gaas. Haddii ay tahay Cabdi Maxamud Cumar Kililka 5aad. Haddii ay tahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Muse waxaan ugu baaqayaa in uu dhammaan Hargeysa ku casuumo. Si looga wada hadlo is baddalkan Mandaqadda ka jira. Loogana yeesho talo mid ah. Lana is waydiiyo marka ugu horraysa bal horta sidii aan u wada noolaan lahayn. Aqoonsi iyo ictiraaf bal horta ha innoo dambeeyee waan arkaynaa maanta sida adduunku u socdee, is baddalka mandaqadda ka jira. Waxa aynu u baahanahay maanta in aan wixii hore iska illawno oo aynu miiska soo saarno. Xaaladdan taagan aan ka wada hadalno. Waa in aan wax iska waydiinaa sidii aan u wada noolaan lahayn, sidii aan wax u wada qabsan lahayn, iyada oo cid waliba halkeeda joogtana oo ay dawladnimadeeda haysatana ay walaalnimada iyo midnimada guud ilaashan lahayn. Madaxweynuhu waa in uu arrinkaa gogosheeda fidiyaa wixii aqoonyahan Soomaaliyeed ah ee meel walba joogaana ka soo qayb galo”. Ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Halkan Ka Daawo:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here