Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Baaq Culus U Diray Maamulka Puntland Jabhadda Caarrena Ku Tilmaamay Kuwo Maatidooda Uun Waxyeelaya

0
64
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 25, 2018- (Foore)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland inta badana ka hadla xaaladda hadba ka taagan guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland ayaa si adag uga hadlay hanjabaadaha soo noqnoqda ee Maamul Goboleedka Puntland iyo Jabhadda uu Kornayl Caarre ka abaabulayo Puntland dhexdeeda ee uu sheegay in uu kaga soo duulayo Somaliland isaga oo Ciyaasi Obsiiye Puntland iyo Farmaajo ugu baaqay in ay ka waantoobaan dagaal dhiig badani ku daato oo uu ku tilmaamay mid aan wakhtigan loo baahnayn isaga oo dhinaca kalena Jabhadda Caarre ugu baaqay in ay soo laabtaan oo umaddooda dhinac ka raacaan wixii tabasho ahna degdeg loogu dhammeeyo wada hadal iyo miiska wada xaajoodka.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horrayn si adag uga hadlayaa hanjabaddii toddobaadkan ka soo yeedhay guddida ammaanka ee Puntland oo wacad iyo dhaar ku maray in ay Somaliland soo weeraraan isaga oo ugu baaqay in colaad aanay cidina waxba ku keenayn ee ay umadda hadalka xun ka daayaan nabadna qaataan. Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Hanjabaaddan faraha badan ee aan kala go’a lahayn ee ka soo yeedhaysa Soomaaliya siiba Maamulka Puntland waa wax lala yaabo. Hanjabaaddan soo noqnoqonaysa ee Puntland waxaan qabaa in Cabdiweli Gaas uu Farmaajo ka lud haysto waayo in badan baan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ugu baaqay in uu nabad ka shaqeeyo waxaanad mooddaa in hadaladayadii aanu u dheg jalaq siin. Cabdiweli Gaas waxaad mooddaa in uu ku taagan yahay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Dameeri hooyadeed isku hallayn bay dabada uga nuugtaa in xaalkiisu yahay oo uu Farmaajo iyo dawladdiisa isku hallaynayo sida uu mar walba u hanjabayo. Soomaalidu waxa ay tidhaa Gardarro garab og looma taag helo. Waxaan leeyahay Cabdiweli Gaas walaal arrintaasi ka joog. Alle ka cabso oo dadkaaga ha u horseedin dhimasho, dhaawac iyo dhiig hor leh. Dad isku mid ah oo isku diir ah oo isku diin ah baynu nahay oo aan kala maarmin. Madaxweyne Muuse Biixi intaasi waxa uu kuugu baaqayaa nabad annaguna waxaanu ku baaqaynaa Nabad. Rag gogoshiina waa nabad baa la yidhi. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa soo joog ruuxii laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa. Waxa kale oo ay tidhaa colaadi ama af xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. Dadka Soomaaliyeed maanta meel kasta oo ay joogaan uma baahna colaad iyo dhibaato. Waxa maanta Soomaali ishaa u yeelay waa colaad iyo qabyaalad. Soomaali maanta wiil cusub oo ka dhinta uma baahna iyo in kuwoodii hore oo gidaarrada ku daranyaysan oo camal la’aan iyo darxumo la jiifa in oo Mustaqbal loo sameeyo oo shaqo abuur loo sameeyo oo horumar la gaadhsiiyo baa loo baahan yahay laakiin looma baahna in colaad dambe la galiyo oo dab la kala dhex dhigo”.\
Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) waxa uu si adag uga hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag ee la xidhiidha jabhadaynta kooxda Taliye Caarre ee ku sugan Gobolka Karkaar ee Puntland. Siyaasiga ayaa isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:
“Innamadan leh Jabhad baanu abuuraynaa waxaan leeyahay Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Dadku waa Caqli kaliyaale, laba caqli leh iyo Saddex Caqli leh. Caqli kaliyaaluhu waa qofka yidhaahda aduunbaa saxan, talo kasta iyo nasteexo kasta haddii la siiyana qofka isla toosan uun weeyaan ee isagu isla quman. Laba caqli luhuna waa qofka isaga oo qaldama isa soo qabta. Waana ka bani aadamku u badan yihiin waayo Bani aadamka oo dhammi waa gafaa waxaana ugu khayr badan ka gafkiisa iska soo qabta oo ka soo laabta. Saddex caqli leh maanta dunida oo dhan ma jiro Soomaalina hadalkeedba daa kumaba jiro ninka saddex caqliile la yidhaahdaa waxaan leeyahay waar laba caqli leh noqda. Khaladkiina garta oo isa soo saxa. Waad qaldanteen. Dadka aad leedihiin waanu la dagaalamaynaa waa dadkiinii dadka aad leedihiin waanu barakicinaynaa waa dadkiinii. Dadkiinii baad leedihiin xabbad baanu dhex dhigaynaa. Warbaahin dambe yaan la idinku arkin baan leeyahay kuwaasina. Qaladkiina saxa oo wixii aad tirsanaysaana xal laga gaadho oo wada hadal lagu xalliyo ayaa loo baahan yahay. Wada hadal diyaar baa la idiinla yahay. Waana la idin soo dhawaynayaa. Waxaan leeyahay soo dhawaada walaalayaal dalku waa dalkiinii, dadkuna waa dadkiinii. Maanta ma jirto cid aad u jabhadaysaan. Yaad u jabhadaynaysaan. Waa maatidiinii iyo ubadkiinii waxaad leedihiin waanu u jabhadaynaynaa waxaan leeyahay caqligu ha idin shaqeeyo. Wada hadlaaba heshii baa la yidhi gacmo furan iyo wada hadal baanu idiinku soo dhawaynaynaa walaalayaal. Wixii aad tabanaysaan waa la idinka tabasho tiro doonaa. Soo dhawaada baan idin leeyahay. Warxumo tashiilkana iska ilaaliya oo warbaahinta iska daaya baan idin leeyahay”. Ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo arrintaasi ka hadlayay mar uu warbaahinta u warramayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here