“Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Tilmaamay Kuwo Jilicsan Oo Madaxtooyadu Farta Ugu Yeedho” …Siyaasi Cabdilaahi Jawaan

0
103
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 08, 2018- (Foore)-   Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) ooh ore u soo noqday Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si adag u dhaliilay Komishankan wakhtigan jooga oo uu ku tilmaamay koox farta loogu yeedho oo xataa wasiirradu u yeedhaan taasi oo aan wakhtigoodii dhici jirin isaga oo xusay kala duwanaanshaha u dhaxeeya Komishankan wakhtigan hawsha haya iyo wakhtigoodii halka uu sidoo kalena ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo la hadlayay telefishanka SAAB TV waxa uu yidhi: “Waanu ka nasiib wanaagsanayn kuwan (Komishanka) imika jooga waayo qaabkan xun ee qabiiliga ah ee imika la isku eryanayaa ma jirin wakhtigayagii dadkuna wuxuu u heellanaa markaa dimuquraadiyadda. Hawshu si wanaagsan ayay noogu socotay. Xagga kala duwanaanshaha haddii aan sii eego faro galinta dawladda xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu dhigayaa in aan sinaba loo fara galin Karin hawshooda oo uu madax bannaan yahay. Ma aqaano in wax laga baddalay imika. Waxa kaliya ee aanu kala tashan jirnay waxa ay ahayd wada shaqaynta aanu lahayn sida Miisaaniyadda marka aanu samaysano xeerku waxa uu dhigayaa in aannu Madaxweynaha u gayno. Madaxweynuhuna markaasi uu helo kadib ayuu baarlamanka u gayn jiray si ay u ansixiyaan. Maamulka dhaqaalahayaga annaga ayaa u madax bannaanayn. Imika waxaan arkayay shaqaalahoodii oo lagu dhex tuuray shaqaalaha dawladda. Waxa aad arkaysaa Komishankii madaxa bannaanaa oo wasiir u yeedhayo ama Madaxtooyada toos ugu xidhan oo iyagii farta loogu yeedhayo. May dhici jirin annaga. Tusaale ahaan Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Ilaahay ha u naxariistee miis adag buu noo dhigay annaga may dhici jirin in uu sinaba noosoo fara galiyo. Waxaan xasuustaa markaa aanu bilawnay ururro ayay ahaayeen. Marka aanu shir qabanayno waxa ugu weynaa meel shir lagu qabto Ming Sing Hotel. Waxa aannu ku odhan jirnay Madaxweyne shirka noocaasi ah ayaanu qabanaynaaye cid soo dirso. Wasiirrada ugu adag buu soo dirsan jiray markaasaa xukuumaddii iyo ururradii annaga oo hogaaminayna ayaanu u garsoori jirnay. Maantana waxa hadheeyey xukuumaddii ayaa hadhaysay Komishankii. Maanta waxa ay leeyihiin madaxweynuhu wax walba ha qabto suurto gal ma aha. Madaxweynuhu qiimayn buu ku leeyahay. Komishanku sharci buu ku dhisan yahay haddii kale isaga iyo cidda kale madaxa ayay isla galaysaa sida laba gaadhi oo is jiidhay. Hawshu sidaasi ayay ahayd imikase wax badan ayaa iska baddalay. Markii Madaxweyne Siilaanyo talada qabtay wasiirkii Madaxtooyada ayaa u yeedhaya. Anoo fadhiya ayay yidhaahdeen naga saar. Annagu madax bannaanidayada sharcigu na siiyay ayaanu ku shaqaynaynay laakiin komishankan maanta joogaa wuu ka duwan yahay, sidaasi ayaanu ku kala duwanayn”.

Ugu dambayn Siyaasi Cabdilaahi Jawaan waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE soo kala dhex galay waxaanu sheegay in aanay meesha jirin sharci oo ciidamada la keenay ayaad arkaysa isaga oo xusay in Jaamac Shabeel qaldan yahay maadaama uu hore u dhaliilay ninka xisbiga ugu sarreeya waxaanu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi: “Jaamac Shabeel waxa uu dhaliilay Madaxweynaha isaga oo ku eedeeyay dadka uu xukuumadda u soo xushay. Waxa kale oo uu la saftay dadkii xeerka Kufsiga ka soo hor jeeday markaa marka aad sidaa yeelayso illayn dagaalbaa lagula galayaa oo ninka meesha ugu sarreeya ayaad is qabanaysaane waa in aad u diyaar garawdaa oo aad xilka isaga tagtaa. Taana isaga ayaa ku qaldanaa” ayuu yidhi Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo wakhtigan ah siyaasi Mucaarid ahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here