Siyaasi Buubaa Oo Weeraray Dhismaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Shaacana Ka Qaaday In Somaliland Iyo Soomaaliya Isku Soo Dhawaanayaan,Qarkana U Saaran Tahay Inay Midoobaan

0
155
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 3, 2018- (Foore)- Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay arimo door ah oo ku saabsan Xaalada guud ee ay hadda Somaliland kajirto,waxa uu isagoo af reer adeegsanaya weeraray qaab dhismeedka Ciidanka Qaranka Somaliland oo aanay hore siyaasiyiinta Somaliland uga hadli jirin islamarkaana ahaa sirta qudha ee Qaranka Somaliland u dhawrsan,waxa kale oo uu ka hadlay Wakhtigan hadda lagu jiro sida uu u arko Qadiyada Gooni isku taagga Somaliland iyo waxa ka socda Geeska Africa gaar ahaan xaalada siyaasadeed ee Cusub ee Itoobiya.

Siyaasi Buubaa ayaa arimahani kaga hadlay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Nuuradiin Col-ujoog oo ka tirsan Telefishanka Eryal, waxaanu hadalka u dhigay sidan, isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay tabashooyin ay tirsanayaan Beesha uu ka soo jeedo,waxaanna uu yidhi “Xalka waxaanu u aragnaa Hay’adda Milatariga ayaa sida uu udhisan yahay Beesha Garxajis iyo Beelo kaleba ay u arkaan inay Hay’addii Milatarigu u gacan gashay Jeegaanta, markaa xalku waxa uu kujiraa in dib loo eego milatariga Somaliland sida uu u dhisan yahay iyo waxa uu ka kooban yahay, kolka si wanaagsan loo eego ee la hubsado dhismahaasi dad weynaha Somaliland jooga oo dhami wax dantoodu ka dhex muuqdo laakiin ciddii Wadanka Difaaciisa loo igmaday haddii ay iska waayaan dee halkee ayaan ka galaa weeyaan, Maxaan qabtaa?, markaa anigu arintaasi waxaan u arkaa mid lagama maarmaan ah inay Dawladda Maanta jirtaa ay  dib ugu noqoto dhismaha Milatariga, Saraakiisha, Dhismaha, Hubka, inay gacanta ugu jiraan Cid, Cid waliba ku kalsoon tahay, oo loo dhan yahay,”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Milatarigeenii khatar ayuu kujiraa, Dhibaataduna waxay ka soo alkumaysaa Dhismaha Milatariga, Saraakiisha Milatariga, Falgalka Milatariga, kolka kuwasi wax laga qabto ee loo dhiso milatarigii si dad weynaha Somaliland ku kalsoon yihiin, Difaacii Somaliland kolkaasi ayuu noqonayaa, arinaasi ma noqonayso Milatariga oo keli ah, waxan la yidhaah Bii’ad aan aamin ahayn oo dadka deegaankaasi joogaa aanay aaminsanayn, haddii ay dhibaataba timaado oo dadku milatariga Wax u qabto kolkaasi, waxa weeyaan dhibaato ayuu milatarigu soo gali karaa,maantadanba Tukoraq ayay ka joogtaa, waxa weeyaan waa in milatarigaagu Bii’adda uu ku nool yahay mid laga war warro inaanay noqon, mid kala qaybsan inaanu noqon,markaas arintaasi waxay u taalaa Dawladda Maanta jirta,waana arimaha ugu waa weyn ee laga sugayo Qaab dhismeedka Milatarigu,  imika indhaha la iskama tiri karo, milatariga Somaliland Qaab dhismeedkeedu waa dheeliyay, Maaha Beesha Garxajis oo keli ah Beelo kalena waxay tirsanayaan Ciidankani inaanu iyaga daafacayn eh ay yihiin Aalad lagu xukumo oo lagu cadaadiyo”.

Mar uu ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay sida uu u arko Mihiimadda ay leedahay wakhtigan hadda la joogo Muqadasnimada inay Midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland iyo inay kala go’aan ayaa waxa uu yidhi“Dantu waxay ku jirtaa isbadelkaasi maanta Dawladda Cusub ee Itoobiya maanta soo qadintay oo Itoobiya waliba qayb Soomaali ahi ku dhex jirto oo isbadelkaasi uu noqonayo mid taabta Soomaalida meelkasta oo ay joogaan. Arinta Somaliland iyo Soomaaliyana Salka waxay ku haysaa Damac Guud oo taariikhi ah oo soomaali leedahay,oo ah inay isku timaado oo ay wax geeska ka noqoto, labadii hadda way isku soo dhawaanayaan,waxa ka dhacaya Geeska iyo Qoondihii guud, oo ah Soomaali inay kol labaad meel iskugu timaado. Marka ugu horaysa waxaa lagama maarmaan ah, si khidadan Cusubna ay uga qayb qaadato, Dawladdii hore ee Soomaaliyeedna Dhibaatadii ku dhacday looga baxo, Soomaaliya ay ka baxdo, Waad ogtahay oo Soomaaliya ma deganna, Somaliland meel ayay ku xidhan tahay oo Ictiraafku waa Muqadastaasi uun weeyaan oo wax kale lama hayo, in wada hadal midho dhali kara marka hore la sameeyo, anigu waxaan hubaa, sikasta oo dhacda dadka Soomaaliyeed in Masayrka Dadka Soomaaliyeed uu noqonayo sida maanta ka socota Geeska Africa,oo ay isku khasbi doonto inay isku yimaadaan oo ay wax wada qabsadaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here