Siyaalaha Lagu Fahmo Inaanad Jidhkaaga Siin Biyo Ku Filan Iyo Sida Loogu Baahan Yahay Inuu Qofku Cabo Biyo Nadiifa- Q:

0
178
Lawadaag Asxaabta...

Waxaan aaminsanahay inaan jirin qof dafiri kara faa’idada ay leeyihiin biyaha caadiga ah oo si joogta ah loo cabo, hasa yeeshee waxaa jira dad badan oo inaga mid ah oon cabin biyo kufilan maalin walba. Maadaama aanan la joogteyn cabidda biyaha waxaan si joogta ah u dhaawacnaa jidhkeenna, hadii aad dareentid mid kamid ah qodobada hoos ku qoran, waxaad hadda ku bilowdaa koob biyo caadi ah. Waligaa waxaad ogataa in biyo kasta oo muuqaalkoodu cad yahay aanay nadiif ahayn waxaanad ku dadaashaa in aad biyahaaga ku nadiifiso qalabka ay kuu keenaan shirkadda PURE LIVING CO. oo ah qalabka loo yaqaano LifeStraw oo ah qalab casri ah oo dalka markii ugu horraysay laguu keenay kuwaasi oo aan kaaga baahnayn koronto iyo tamar kale toona oo kaliya aad biyaha ku shubanayso kadibna ay kuu noqonayaan biyo nadiif ah oo cabitaanka ku habboon. Maadaama aynaan dadkeenu waxa helin biyo nadiif ah qalabka LifeStraw waa kii ku habboonaa caafimaadkeenna iyo bad-qabka biyaha aan cabayno.

Siyaabaha qofku ku fahmi karo in aanu jidhkiisa siinin biyo ku filan waxaa ka mid ah qodobadan hoos ku xusan:

  1. Waxaad Dareentaa In Afku Ku Qallalan Yahay

Arrintani waxey u egtahay mid iska cad hasa yeeshee saameynta ay leedahay sidaas oo kale uma cadda, dabcan mar walba ood dhedheg ka dareentid afka waxaad laacdaa wax dareere ah laakin cabitaanada sonkoreysan waxey si kumeel gaadh ah u xalliyaan af qaleylka. Biyo caadi oo lacabo waxey saliideyn u tahay xuubka jilicdasan ee ku hareereysan afka iyo cunnaha, biyaha waxay waqti dheer ka dhigayaan afkaaga mid si joogta ah ugu qoyaan oga hela calyada

Waxaad Dareentaa In Maqaarkaagu Uu Qalalan Yahay

Maqaarka waa xubinta ugu weyn ee jidhka bani aadamka, dabcan waxuu u baahan yahay inuu helo biyo ku filan. Xaqiiqda ayaa waxay tahay qalleyl laga dareemo maqaarka inay tahay astaanta ugu horeysa ee kuu sheegeysa in jidhkaaga aanay ku jirin biyo kufilan ama jidhku uu fuuq baxsan yahay, fuuq baxa wuxuu sababi karaa dhibaatoyin badan. Biyo yari waxay ka dhigan tahay dhidid yari, waana arrin sababeysa in jidhku uu sameyn waayo qashin saar wanaagsan oo uu dibadda isaga saaro wixii sun iyo hadhaa ah.

Indhaha Ayaad Qalleyl Ka Dareentaa

Hadda waxaa kuu muuqata in saameynta biyo yaridu aanay ahayn arrin sahlan sidoo kalen aanay ku ekeyn afka iyo cunnaha oo kaliya. Biyo yaridu waxey dhalisaa in qofka indhahiisu ay noqdaad guduud ama casaan, biyo la’aanta waxaa ku gudha tuubooyinka lagu keydiyo ilmada ama ilinta waana biyo loogu talo galay in lagu saliideeyo indhaha ama lagu qooyo si aanu araggu u xumaanin.

Waxaad Xanuun Ka Dareentaa Kala Goysyada

Carjawda ku jirta kala goysyada iyo carjawda diskiga ee u dhaxeeya lafaha dhabarka waxey 80 boqolkiiba ka sameysan yihiin biyo. Tani waxay muhiimad balaadhan u tahay ka hortaga in lafuhu ay is xoqaan. Marka aad qaadatid biyo kugu filan waxaa fudayd noqonaya sida kala goysyadaada ay uxamili lahaayeen dhaqdhaaqa degdegga ah, sida orodka, boodinta ama dhicidda

Xanuunada Kugu Dhacaa Waxey Qaataan Muddo Dheer

Marka jidhkaagu uu helo biyo ku filan waxaa fudud in jidhka uu dibadda isaga saaro sunta uu jidhku ku bukoodo ama ku jirrado, xubnahaaga waxay jidhka ka miiraan ama ka dhaqdhaqaan wasakhda sida makiinad oo kale, laakiin makiinaddu ma shaqeyneyso haddii aan lagu shubin biyo ku filan. Shaqada jidhka ayaa noqoneysa mid aan isku dheeli tirneyn, arrintani waxey sababeysaa in jidhka uu biyo kasoo leexiyo meela kale sida qulqulka dhiigga, waana xaalad keeneysa dhiibaatooyin kale oo hor leh.

Waxaad Dareentaa Daal iyo Awood la’aan

Sida aan hore u xusnay, marka jidhka uu ku yaryahay biyaha, wuxuu biyo kasoo nuugaa ama kasoo leexiyaa dhiiga, dhiig uu ku yaryahay biyaha wuxuu horseedaa in jidhka aanu helin ogsijiin ku filan. Dabcan ogsijiin yari waxey kugu sababeysaa hurdo iyo daal buuxa. Ogoow daalkani ma aha mid xitaa looga hortagi karo cabidda shaaha, kafeyga iyo waxyaalaha la mid ah.

Waxaad Dareentaa Dhibaatooyin Xagga Dheefshiidka ah

Waxaan hore uga soo hadalnay biyo cabidda inay caawinayso afka iyo cunaha, sidaas si la mid ah ayey u caawisaa habka dheefshiidka oo idil. Haddii ay biya cabiddaadu ay yar tahay, awoodda ay caloosha isaga caabido aysiidha lagu shiido cuntada ayaa hoos u dhaceysa, arrintaan waxey dhaawaceysaa gudahaaga, waxey kugu soo hogaamisaa cillado caafimaad sida laabjeex. Sidoo kale waxaad dareemeysaa calool istaag.

Waxaad Dareentaa iney Kugu Yartahay Kaadidu

I aamin, hadii aanad suuliga tagin 4 ilaa 7 jeer maalintii, ma tihid qof caba biyo kugu filan, waxaa la rabaa in kaadidaadu ay mar walba ahaato mid Cad ama huruud khafiif ah leh ama kaadi uu midabka ku yaryahay. Hadii kaadidaadu ay tahay mid Huruud Culus ah ama huruud mugdi ah, jidhkaagu wuxuu kuu sheegayaa inaanu haysan biyo kufilan. Biyo la’aan ba’an waxay mararka qaar sababi kartaa infekshanada ku dhaca kaadi mareenka. Waxaanay kuu keeni kartaa oo sabab u noqon kartaa in Infakshanku si daran kuu saameeyo oo xanuun kugu dhaco. Sidaa darteed khubarada caafimaadku waxa ay ka digaan in heerka biyaha jidhkaagu hoos u dhaco.

Sidee Lagu Heli Karaa Biyo Nadiif Ah Oo Macaan?

Ceelasha biyaha laga cabo ayaa ahaa kuwo habab kala duwan ay uga faa’ideysan jireen dadku, xilligii dowladnimada la helay waxaa jirtay Wakaaladda biyaha, biyaha dadka qaarkood cabaan waxay ka yimaaddeen Geed Deeble, balse dadka badankoodu waxa ay Biyaha ka helaan ceelasha.

Ceelasha qaar waxaa ay soo saaraan biyo aan Nadiif aheyn waxaana macquul ah in dadku ay ka dhaxlaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah sababo ay ka mid yihiin biyaha dadku ay cabaan oo ay ku jirto Ciid iyo wasakh ili ma qabatin ah.

Haddaba sidee lagu heli karaa biyo nadiif ah Maxamed Cabdiraxman oo ah Bare jaamacadeed ayaa ka hadlaya.

“Qaabka loo qadayo ceelka taas ayaa dhib ah, Ceelasha badanaa ciladda ku timaada waxaa ka mid ah godka markii la qodo waxaa lagu shubaa Jay, Jayga waxaa uu qabtaa waxaa uu kala reebaa biyihii Nadiifta ahaa iyo kuwii wasakhda ahaa hadhow biyaha ceelka uu soo gudbinayo waxaa u badnaanaya biyo dhiiqo ah”.

Shacabka ayaa baahi weyn u qaba helitaanka biyo nadiif ah xilli ay jiraan dhibaatooyin ka imaan kara biyaha qaar kuwaasi oo aan la marin hanaanka qorsheysan. Biyaha dhiiqada leh waxa si layaab leh u nadiifiya oo aanad rumaysan Karin haddii aad aragto qalabka LifeStraw oo ah kuu keento sida aan soo sheegnay shirkadda PURE LIVING COMPANY. Waxaanad kaga raysanaysaa in aad biyaha ku darto walxo kale sida kiniinnada iyo arrimo kale oo aan la isku hallayn Karin caafimaad ahaan. Caafimaadku waxa uu ku jiraa oo khubarada caafimaadku isku raaceen biyo nadiif ah oo qofku heli si aan haddaba arrinkaasi ugu baraarugsanaano waxa lagama maarmaan ah in aan ka fekerno qaabkii aan ku heli lahayn biyo nadiif waana ta ay u taagan tahay shirkadda Pure Living Company oo ku taalla Is-goyska Togdheer magaalada Hargeysa dalka oo dhana kuu gayn karta.

Halkan Ka Daawo Agabka LifeStraw ee ay kuu keentay shirkadda PURE LIVING CO.:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here