Sidee Madaxda dunidu uga falcelisay weerarka ka dhacay dalka New Zealand?

0
95

Cadho xoog leh iyo camnbaareyn ayaa ka dhalatay weerar nin hubeysan uu ku qaaday Labo Masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand kaasoo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, iyadoo weerarkan argagax iyo cadho lama filaan ah uu ka abuuray dunida.

Madax fara badan oo caalamka ka tirsan ayaa si kulul uga hadlay weerarkan, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Trump uu illaa hadda aamusan yahay.

“Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tidhi ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeexday mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yidhi “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunidu ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaadhay heer dil wadareed”.

“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa middan xigi doona musiibo kale”  Erdogan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa isna yidhi “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yidhi Putin.

 

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa isna yidhi “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”.

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tidhi “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yidhi “Weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yidhi “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”.

Malaysiaayaa sheegtay in labo muwaadin ay kaga dhaawac meen weerarka. Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso “weerarkan macno la’aanta ah ee argagixisadu ku qaaday dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, ayna rajaynayso in sharciga la hor keeno dadkii falkaas foosha xun ka dambeeyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here