Sidee Ayuu Prof Samatar U Arkaa Hogaaminta Muuse Biixi 7-Bilood Kadib “Waxaanu Isku Ogayn In 20 Wasiir Lagu Soo Koobo, Imikana Waa 32 Wasiir Iyo Arrimo Kale Oo Aanan Filayn Inay Dhacaan”

0
134
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 23, 2018- (Foore)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana si weyn uga soo qayb qaatay ololihii Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga lagu saaray ayaa markii u horaysay daaha ka rogay in Waxyaabo badan oo ay Madaxweyne Muuse Biixi kula taliyeen markii uu doorashada ku guulaystay uu iskaga leexday oo aanu waxba ka soo qaadin,waxaanu ugu baaqay Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku xigeenku inay dib u fadhiistaan oo ay ka naaqishoodaan sidii ay u qancin lahaayeen dadkii u soo codeeyay,waxa uu ku dul istaagay dhawr qodob oo uu sheegay inaanu filayn inay dhacaan ama uu ku kaco Madaxweyne Muuse.

“Horta Aniga Sharaf ayay ii ahayd,Wax bandanna waan bartay inaan ka qayb galo Siyaasada Hogaanka hoostiisa fadhida ee lagu dhisayo wadanka iyo dadka Madaxda Noqonaya,Cilmi badanna waan ka bartay,Anigu wali waan qabaa rajadii Xisbiga aanu soo galinay intayadii wada socotay rag iyo dumarba ee Lixda Gobolba joogay inay wali taagan tahay,laakiin Todoba bilood ayaa ay dawladii dhisnayd,anigu waanigii waanigii noqday oo hawshaydii iyo Shaqodaydii ayaan ku noqday,Mar haddii Xisbigii Guulaystay oo Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweyne ku xigeenkii loo dhiibay,todobadaasi bilood waxna way qabsoomeen inta aan ka arkay wax badanina waa qabyo”.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ka mid ah Madaxda Sare ee Horn Cable Tv,waxaanu ugu horayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyay sida uu u arko Hogaaminta Madaxdii uu Kursiga Saaray ee Kulmiye,Waxaana uu yidhi“Anigu markii aan imid waxaan tagay Madaxtooyadda,Si aan u soo salaamo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka,Madaxtooyadda Albaabkii waynaa ayaan ka soo galnay, Berigii hore markaan imaado waxay ahayd meel la iska wada joog joogo,oo dhan loo socdo inteeda badan aanad garanayn,oo Saylad oo kale u ekayd,oo dadku iska faro badan yihiin,oo halkaasi sigaar lagu cabayo oo halkan lagu sheekaysanayo oo halkan lagu qos qoslayo,Meel Madaxtooyo ah aniga iilamay ekayn,waxaan arkay imika markii aan tagay ee aan soo booqday,laba cisho dabadeed markaan imid meel nadaafadu ay aad u wayn tahay,Xafiis sare oo Dawladeed ah,cid joogta oo iska soc socota aan shaqo ku lahayn ma arag,shaqana ka socoto,sharafkeedii iyo Qiimihii Madaxtooyo u eg ayaan arkay,waa waxyaabaha lagu balan qaaday ayay ahayd inay dhacdo waanay dhacday”.

Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi“waxa laakiin dhiman  Waxyaabo badan oo lagu heshiiyay oo yara xagal daacay,Aniga iyo Madaxweynuhu waanu ka sheekaysanay markii uu Musharaxa ahaa,waxaanu ku heshiinay kana mid ahaa guddidii la saaray ee Sagaalka qof ahayd ee Xisbiga Kulmiye ka tirsanayd Dawladda Dhismaheeda in Labaatan Wasiir iyo Wasaaraddood ay noqdaan,Kuwii hore qaar la isku dar darayo,qaarna la badelayo laakiin labaatan aanay ka badan,Wasiir ku xigeen iyo wasiirul dawle waxaana la iska xidho,Dee 32-Wasiir weeyi imika,Anigu halkaasi waxaan leeyahay waxbaa is dhaafay,loomana baahnayn oo wadanku ma qaadi karo intaasi,halkaasi anigu su’aal wayn ayaan ka qabaa,Saluugna waan ka qabaa,Waxaan ka qabaa Saluug kale Saami qaybsiga Dawladda marka la dhisay,Waxaan filayna,Hadalku aad u dhex galay markii Munaaqishaadka aanu ku jirnay in Umaddan la isku soo dhaweeyo,anigu waxyaabaha aan ku taliyay waxay ahayd 20-Wasiir in sameeyo oo qudha, 11- ay Beelaha dhexe noqdaan,9-na ay noqdaan Bari iyo Galbeed iyo Bulshada walaalaheen ah ee Gabooyuhuna ay kujiraan,Wadda lahaanshiyaha wadanka la isku sii xalaaleeyo taasina may dhicin,ee waxa hadda laga dhigay 10-darafyada ah iyo 22-dhexdii ah, miisaankaasina aad ayuu u fool xun yahay,Waa wax yaabaha Saluuggu ka taagan yahay anigu aanan filayn inay dhacdo”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Anigu waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ay ubaahan yihiin in dib la isku xisaabiyo,oo dib u xisaabiskaasi uu noqdo mid soo celinaya Qodobadii 1,2,3,4- illaa Shanta ahaa soo celinaya,si wajiga si Cusub la iskugu saaro,taasina Ceeb maaha oo Kolba waa la isasaxaa,waa la soo gaadhay wakhtigii Xisaabta la eegaya ee la is odhanayay halkee ayaan joognaa,halkaynu balan qaadnay iyo halka aynu marayno ma isku dhaw yihiin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here