Sida Mareykanka Iyo Imaaraadku Iskula Qorsheeyeen Khaarajinta Waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti

0
130
Lawadaag Asxaabta...

Ma badna in Wasiirrada arrimaha dibaddu ay dhawrsanaanta diblomaasiyadda ka tagaan, xitaa marka ay ku jiraan fadhiyo albaabadu u xidhan yihiin, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa si buuxda meel isagaga dhigay qoraalkiisii ka koobnaa 6-da bog ee uu u diray safiirradiisa bishii la soo dhaafay kaas oo ku saabsanaa isu soo dhowanshihii lama filaanka ahaa ee dhex maray labada dal ee colka ahaa dariskana ay yihiin ee Itoobiya iyo Erateriya. Billawgiiba waxaa soo if baxay in Dowladda yar ee Jabuuti – iyada oo ay jirto sabab la fahmi karo – ay ka dareentay walwal aan hore loo arag isu soo dhowaanshahaa lama filaanka ahaa, sidaa darteed ayuu u doortay wasiirkeeda arrimaha dibadda in uu werwerkaa ku cabbiro erayo aan leexleexad lahayn, isaga oo aan innaba ilaalin diblomaasiyaddii dhaqanka ahayd, waxa uuna ku sifeeyay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed in uu yahay “nin dagdagaya oo fudud”, waxaanu u adeegsanayaa xubinnimada aan joogtada ahayn ee dowladdiisa ee Golaha Ammaanka in cuna-qabataynta lagaga qaado Erateriya, isaga oo aan ka fikirin saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto Jabuuti oo ah saaxiibka ugu muhiimsanaa ee Itoobiya 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Erateriya waxaa looga yaqaanay diblomaasiyiinta dhexdooda in ay tahay Kuuriyada Woqooyidii Afrika, ilaa mar dhowna waxaa lagu tilmaami karayay cadawga cid walba, waayo marka laga soo tago dagaalkii dheeraa ee ay la gashay intii aanay xornimada ka qaadanin ka hor iyo kadibba, taas oo ka dhigtay Itoobiya dowlad aan bad lahayn, sidoo kale Erateriya, waxa ay dagaal la gashay Jabuuti bilawgii 2010-kii, muran xagga xuduudda ah dartii.

Kaddib markii ay Erateriya ciidammo ku soo daadisay saddex geesoodka Dumeera ilaa gudaha Jabuuti, arrintaas oo keentay in ay labada dal dhex maraan dagaallo kooban oo dhibaatadoodii qayb ahaan lagu xalliyay dhexdhexaadintii Qadar oo kadibna geeysay ciidammo kuweeda ah xuduudda labada dal, laga soo billaabo xilligaa Erateriya waxa ay noqotay meel ay gabbaad iyo taageero ka helaan mucaaradka Jabuuti, kuwaas oo ay ugu cadcad yihiin koox mucaarad hubaysan ah oo loo yaqaanno “Ciidanka Cabsida”.

AANNU DIB KUU CELINO!

Cadaawadda ka dhexaysa Itoobiya iyo Eriteriya, mushkiladaha soo jireenka ah ee aan la xallinin iyo culayskii uu keenay go’itaankii Eriteriya ayaa ku khasbay Itoobiya in ay miciin biddo Jabuuti lana sixiixato heshiis ah wax wada qabsi millatari sanadkii 1999-kii, ilaa iyo xilligaa Jabuuti waxa ay u ahayd Itoobiya badda kali ah ee u furan, 95% baahideeda ahna waxa ay kala soo dagi jirtay dekedda Jabuuti, sidoo kale Jabuutina Itoobiya waxa ay ka keensan jirtay biyaha iyo korontada.

20-kii sano ee ugu dambeeyay xidhiidhkooda isku tiirsanaan wuu xooganaa, iyada oo ay xoojinayaan xaqiiqda juquraafi iyo dhacdooyinka siyaasadeed oo uu udub dhexaad u ahaa xiriirka aan wanaagsaneen ee Itoobiya ay la lahayd Eratariya iyo Soomaaliya kaas oo xoojiyay makaanadda Jabuuti ee ah in ay tahay meesha kaliya ah ee Itoobiya bad uga furan tahay.

Yeelkeede, Isbadallada uu Abiyi Axmed kula heshiinayo Eriteriya iyo Soomaaliya ayay Jabuuti u aragtaa in Abiyi Axmed uusan kaligii wadin, laakiin ay jirto dowlad gobolka ka tirsan oo gadaal ka riixaysa, taas oo doonaysa in ay isbahaysiyo ay ku jiraan kuwa Geeska Afrika ay dib ugu dhisto si waafaqsan danaheeda, dowladdaas oo ah tan Imaaraadka Carabta.

Sidaa darteed, ayay Imaaraad qaybteeda ka soo gaadhay risaalada carada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa sidaa ku jabiyay xeerarka diblomaasiyadda rasiinka ah, isaga oo uu wasiirku si cad u sheegay walwalka uu ka qabo faragelinta Imaaraadka ee dib u dhiska mandiqadda, kuna tilmaamay dowladdan Khaliijku in ay tahay gacantii ciidan iyo maal ee istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka, isaga oo fartana ku fiiqay ballanqaadkii dhaxal sugaha Abu Dabay Maxamed Bin Saayid ee ahaa in uu siiyo Itoobiya balaayiin doollar oo kaalmo ah si ay xiriir ula samaysato Erateriya.

Gorgortankaa ayay Jabuuti ka aragtay in ay Imaaraadku hooyo iyo aabe u tahay sheekada, iyada oo waliba aan arrintaa u samaynin in danaheeda kaliya ay ku ilaashato, balse ay rabto in ay muujiso sida ay awood ugu ledahay in ay dhibaatayso Jabuuti khilaafka daran ee ka dhexeeya labada dal awgii kaasoo taagnaa ilaa iyo 2015kii ku saabsan dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan kaalinta Imaaraadka ee maamulidda Dekedda Jabuuti.

Soo Bixiddii Iyo Dhicidda Jabuuti

Iyada oo ay Jabuuti tahay dowlad aan lahayn wabiyo ay wax ku beerato, sidoo kalana aysan lahayn macaadin ay la soo bixi karto, sidoo kalena aan lahayni wax soo saar sidaa u buuran oo ay ka soo muujin karo khariidadda caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, haddana mawqiceeda isriraatiijiga ayaa mar walba ahaa waxa ugu qiimo badan ee ay haysato iyada oona gacanta ku haysa furaha albaabka koonfureed ee Badda Cas iyo Kanaalka Suways, taas oo ah mid kamid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka. Sidoo kale, juquraafiga ayaa siiyay Jabuuti booskaa muhiimka ah ee kulaalaya marinka Baabul Mandab oo ah albaabka uu maro qiyaastii 8-10% ganacsiga shidaalka caalamiga ah, iyada oo ay in ka badan 20,000 oo ka mid ah maraakiibtaasi ay sanad walba maraan dekedda Jabuuti, iyada oo waliba ay ku yaalaan gobolka dakado la tartamaya, sida: Suudaan, Soomaaliya, Eratariya, haddana maal gashiga Jabuuti ee dhisidda kaabayaal hormarsan iyo daganaanta siyaasadeed ee ay haysto ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan meelihii kale ee la tartami lahaa. Waxaa intaa sii dheer, in Dowladda Jabuuti ee uu madaxa ka yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, mudo 20 sano ku siman, waxa ay fahmeen waqti hore faa’iidooyinka ay ka heli karaan bugcadooda istiraatiijiga ah, faa’iidooyinkaa oo aan ku koobnayn dhaqaalaha waddanka oo kaliya ee wax ka taraya deganaanta nidaamka siyaasadeed ee uu gacanta adag ku hayo, sidaas darteed, ayuu go’aansday Geelle in uu albaabada waddankiisa u furo saldhigyo milatari oo ajnabi ah si uu uga helo maal iyo ilaalo, isaga oo waddankiisii ka dhigay meel ay ku kulmaan ciidamada reer Bari iyo reer Galbeed oo doonaya in ay maal bixiyaan si ay u helaan saldhig ciidan oo istaraatiji ah. Laga soo bilaabo gumaystihii hore ee Faransiiska oo ku leh saldhig la dhoho “Fors Fransis DJbouti” waana mid kamid saldhigyada ugu muhiimsan ee Faransiisku ku leeyahay Qaaradda Afrika, taas oo Jabuutina ay ka hesho dhaqaala muuqda ha ahaado kirooyinka, kaalmooyinka iyo masaariifta hawl gelinno kala duwan.

Waxaa muuqata in xoogga iyo xoola doonka Geelle uu ku ekaan waayay ciidanka Faransiiska oo kaliya, waxa uuna ka faa’iidaystay baahida uu Maraykanku u qabo in uu ciidan ahaan ku joogo Afrika xilligii dagaalkii Ciraaq, waana ta keentay in uu soo bandhigo martigalinta ciidamada ee saldhigga Limoneh ee u dhow garoonka caalamiga ah ee Jabuuti oo Maraykuna uu geeyay 900 oo askari sanadkii 2002-dii kuwaas kadibna si tartiib tartiib ah u gaaray 4500 oo askari, iyada oo ugu dambaynna saldhiggaasi uu xarun u noqday xarunta ciidanka maraykanka ee Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM oo ay hawlaheeda kamid yihiin ilaalinta hawada iyo badda dhawr dal oo Afrika ah oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Kiinya, Yaman, Eratariya iyo Jabuuti lafteeda.

La soco qaybta 2-aad…Insha Allah

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here