Si Uu Sigaarka U Joojiyo Ayuu Madaxa Ku Xidhay Koofiyad Shabag Ah Oo Quful Leh Ayna Furi Karto Xaaskiisa Oo Kali Ahi

0
120
Lawadaag Asxaabta...

Nin u dhashay wadanka Turkiga oo ka mid ah dadka lagu ibtileeyey Sigaar qiijinta ayaa go’aan ku gaadhay sidii uu caadadaasi foosha xun uga takhalusi lahaa balse waxa ay dhibaato weyni dhawr jeer oo hore ka qabsatay sidii uu u joojin lahaa qiijinta sigaarka oo uu aad ugu tagay. Aakhirkii waxa uu ninkani helay kaarto uu ku joojin karo sigaarka taasi oo ah in uu dhammaanba madaxa isaga xidho qafas shabag ah oo aan lahayn meel ay iska soo gaadhi karaan afkiisa iyo gacantiisu waxaanu qafaskaasi oo u eg kii shimbiraha lagu ilaalin jiray u yeelay albaab yar oo lagu furi karo furayaal waxaanu u samaystay laba fure mid uu u dhiibay xaaskiisa iyo midkii labaad oo uu u dhiibay inantiisa si ay iyagu uga furi karaan oo kali ah marka uu cuntada cunayo ama uu wax cabayo.

Ninkan Turkiga ah ayaa ku nool deegaan lagu magacaabo Kutaiha oo ka tirsan gobolka Galbeed ee dalka Turkiga waxaanay da’diisu tahay 42-jir. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Haret ee ka soo baxa wadanka Turkigu Abraham Yusel waxa uu muddo badan ku hawlanaa sidii uu mar uun uga takhalusi lahaa sigaar cabbida waxaanu ku guulaystay in uu sameeyo farsamo uu kaga gaashaanto gacantiisa iyo afkiisa loo kala taag waayay ee uu isugu gudbiyo qiijinta sigaarka waxaanu samaystay sida wargeysku sheegayo koofiyad shabag ah oo aan lahayn meel uu sigaarka afkiisa ka gaadhsiin karo.

Abraham Yusel waxa uu koofiyaddan shabagga ah ku sameeyey quful ay furi karaan oo kali ah inantiisa iyo xaaskiisu isaga oo kala siiyay laba fure si ay iyaga oo kali ahi u furi karaan, marka uu dibadda ku maqan yahayna aanay ugu suurta galin in uu sigaar cabi karo. Abraham oo wageyskan u warramayay ayaa sheegay in uu sigaarka cabayay muddo 26 sanadood ah isaga oo maalintii iyo habeenkii ugu yaraan cabi jiray laba baakidh oo sigaar ah. Abraham waxa uu sheegay in uu muddo badan dagaal u galay sidii uu u joojin lahaa sigaarka balse uu dhammaanba ku guul darraystay go’aamadii uu ku doonayay in uu ku joojiyo sigaarka.

Si hadaba go’aankiisu meel mar u noqdo waxa uu xusay in uu samaystay koofiyaddan madaxa uu ku xidhan yahay ee shabagga ah taasi oo uu uga gol leeyahay in uu isku diido in ay isa soo gaadhaan afkiisa iyo gacantiisu oo aanay sigaar u laba qaadin. Wakhtigii wargeysku la kulmay ninkan ayaa ahayd muddo laba maalmood ah intii uu koofiyaddaasi ka samaystay sigaar cabbidda waxaanu wakhtigaasi u sheegay in aanu muddo laba maalmood ah oo xidhiidh ah cabin wax sigaar ah tallaabadaasina ula muuqato tii uu gabi ahaanba ku soo gunaanadi lahaa sigaar cabbidda. “Waxaan dadka sigaarka cabba kula talin lahaa in ay keenaan farsamo ay ku joojin karaan sigaarka si kasta oo ay u jecel yihiin waxaanan aaminsanahay in wax kasta oo aad jeceshahay ama aanad balwad ahaan ku joojin Karin in aad joojin karto haddii aad go’aan ka gaadho oo aad farsamadeeda la timaad” ayuu yidhi Abraham oo wajiga ku sita koofiyaddii shabaga ahayd sidii Neef Geel Ah Oo la cafuufay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here