Shirkii Golaha Wasiirrada Dawladda Soomaaliya Oo Lagu Soo Qaaday Wax Ay Ugu Yeedheen Dardar Gelinta Midnimada Soomaaliya Iyo Wada Hadalkii Somaliland

0
140

Muqdisho, December 01, 2018- (Foore)- Inkasta oo dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland uu dhawaan ku dhawaaqay in aanu wax wada hadal ah la furayn Madaxweynaha Maamulka Muqdisho haddana Xukuumadda dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto wax ay ugu yeedheen raadinta Midnimada Soomaaliya wax kasta oo ay ku qaadanayso iyo in ay dhinacooda dib uga bilaabi doonaan oo ay diyaar u yihiin wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku sheegeen mid dawladooda Federaalku Maamul gaar ah kula kulmi doono.

Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ee Khamiistii dorraad ayaa lagu soo qaaday arrintan waxaanay sheegeen in ay dardar gelinayaan sida ay u dhigeen wax ay ugu yeedheen muhiimadda midnimada umadda Soomaaliya, dardargalinta wada hadalladii lala lahaa Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii dorraad ee Golaha Wasiirradda maamulkaasi Muqdisho lagaga dooday qodobkan la xidhiidha waxa ay ugu yeedheen midnimada Ummadda Soomaaliyeed sidaa daraadeed ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la soo nooleeyo lana dardargaliyo wada hadaladdii lala lahaa Somaliland.

Balse dhinaca Somaliland marka la eego madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sharuud ku xidhay dhawaan wada-hadallada isaga oo sheegay in marka hore looga baahan yahay Dowladda Soomaalya in ay aqoosanato madax-bannaannida Somaliland.

Wada-hadallada labada dhinac oo muddo dheerba soo socday ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, marka laga reebo kulmo ay isku arkeen madaxda iyo mas’uuliyiinta labada dhinac oo ka kala dhacay dalalka Turkiga, UK, Imaaraadka iyo Jabuuti.

Lama oga qorshahan cusub iyo waxa u qarsoon ee ay dawladdaasi Soomaaliya ku wajahayso xaaladda Somaliland iyo Soomaaliya wakhti muddooyinkii ugu dambaayey ay xaaladda siyaasadeed ee dibadeed ee Somaliland si weyn u wiiqantay halka maamulka Muqdisho maalinba maalinta ka dambaysa uu sii helayo aqoonsi buuxa iyo dadaalo diblomaasiyadeed oo ay sameeyeen madaxdoodu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here