Shirkii Aqoonyahanka Soomaalida Jabuuti Ugu Qabsoomay Oo Lagu Fashiliyey Fadeexad Ay Xukuumaddii Hore Ee KULMIYE Ku Kacday, Waji-Gabaxii Xubnaha Somaliland Ka Socday Iyo Sacabkii Reer Xamarku Madasha Ku Gilgileen!!

0
284

Jabuuti, December 22, 2018-(Foore)- Haweenay ka mid ah Masuuliyiintii ka socday waddanka Soomaaliya ee ka qayb galayay shirkii Toddobaadkii hore lagu qabtay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay soo qaban qaabisay xarunta daraasaadka siyaasadda ee HERITAGE ayaa waxa ay kashiftay fadeexad weyn oo la xidhiidha xukuumaddii xisbiga KULMIYE ee hore, taasi oo ay ku sheegtay in ay maalin walba dawladdii wakhtigaasi Somaliland ka talinaysay kala xidhiidhi jirtay Guddidii xulista xildhibaanada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Somaliland ka fallaagoobay ee ku sugan Muqdisho.

Haweenaydan oo ka mid ahayd ergooyinka Muqdisho ka socday ee kulankaaasi aqoon is waydaarsiga ahaa ka qayb galayay oo doodda qaadatay mar laga hadlayay qaddiyadda Somaliland ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatay oo ay kashiftay sir culus oo khiyaamo ah oo ay xukuumaddii hore ee KULMIYE dalka ka gashay iyada oo haweenaydani ku doodaysay in aanay waxba ka jirin wax Somaliland la yidhaa ee ay Illaa Madaxtooyada Somaliland la shaqeeyaan hadba dawladda Xamar joogta iyada oo tusaale u soo qaadatay mar ay haweenaydani ka mid ahayd xubnihii xulayay xildhibaanada dalkaasi Soomaaliya in ay madaxtooyada Somaliland kala xidhiidhi jirtay mar walba xulista Xildhibaanada reer Woqooyiga ah oo ay ula jeedday Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland.

Haweenaydan Ayaa sheegtay in xukuumaddii hore ee Somaliland ka qayb qaadatay Xulista xubnaha xildhibaanada ah ee reer Somaliland ee ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Iyada oo arrintaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi: “2012-kii waxaan ahaa Guddidii xulista Xildhibaanada samaynayay. Xildhibaan kasta oo reer Woqooyi ah Madaxtooyada Somaliland ayaan xaashiyo (Waraaqo) ka helaynay oo ay noogu sheegayeen kanaan rabnaa kanaan rabnaa, kan ma rabno, kuwii dambe ee 2016 iyana sidaasi ayay u dhacday baan u malaynayaa. Waxay lahaayeen kan naga reeba kan noogu dara. Waxaanu haynaa dhukumantiyo ayaan haynaa. Kan ma rabno, kaas u diida, kaasi naga daaya ayay lahaayeen mar walba. Kaasi sidaasi ayuu yeelay ee kanaan rabnaa ee halagu baddalo”.

Haweenaydan ayaa markii ay hadalladan sheegaysay waxa ay sacab weyn iyo sawaxan taageero ah ka heshay ka qayb galayaashii shirkaasi ka qayb galayay oo u badnaa dalkaasi Soomaaliya kuwaasi oo sacab ku dhago barjeeyey xubnihii aadka u yaraa ee faro ku tiriska ahaa ee Somaliland shirkaasi u matalayay waxaana xusid mudan in kursiga ay fadhiday ee ay haweenaydani ka kacday markii ay hadalka qaadatay aanu qofna u dhaxayn oo uu agteeda fadhiyay Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis oo wakhtigan ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid ahaa Golihii Wasiirrada ee xukuumaddii hore ee KULMIYE.

Hadalka haweenaydani waxa uu waji gabax weyn ku noqday xubnihii Somaliland ee shirka joogay oo lagu shimbiro waaqleeyey markii haweenaydani sida tiiqtiiqsiga ah hadalladan u lahayd taasi oo ay xujo ka dhiganayeen in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya oo ay xataa maamulkeeda xukuumadeed wakhtigaasi ku xiiqsanaa kala xulashada xildhibaanada reer Somaliland ee maamulka Muqdisho ka tirsan waana arrin fadeexad weyn ku ah qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here