Shirkadda Caanka Ah Ee Google Oo Dhisaysa Magaalo Dhan Oo ‘Internet-Ka’ Ku Shaqaysa Iyo Qaabka Loogu Noolaanayo

0
116
Lawadaag Asxaabta...

Bariga magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ah meel xeeb ah oo aanan la isticmaalin, waxaase hadda la doonayaa in loo baddalo magaalo dhan oo xiimaysa, casri ah, islamarkaasna u dhamaystiranyihiin adeegyadeedii oo dhan. Shirkadda Sidewalk Labs oo ay leedahay Google ayaa soo jeedisay in ay ka dhisayso magaalo ku shaqaysa tiknoolajiyadda casriga ah. Dan Doctoroff oo ah agaasimaha shirkadan, horeyna u ahaan jiray ku xigeenka duqa magaalada New York ayaa BBC-da u sheegay in ay dhisayaan magaalo ka caafimaad wanaagsan kuwa kale, ka habboon, kana badqab wanaagsan. Waxaa lagu rakibayaa qalab soo jiidanaya, ama duubaya shanqadha baabuurta iyo xitaa tayada hawada, iyaga oo sidoo kale kormeeri kara sida uu u shaqeeyo hab casri ah oo qashinka lagu qaado oo korontada ku shaqeeya. Balse arrintaas waxaa su’aal ka keenay ku xigeenka duqa magaalada Toronto Denzil Minnan-Wong oo yidhi: “Maxaa hadhoow loo isticmaali doonaa xogtaas, waxaa jira dhibaatooyin kale oo ka jira magaalada Toronto”. Balse shirkadda Sidewalk ayaa BBC-da u sheegtay in qalabkan aanay ururin doonin xogta dadka, balse loo isticmaali doono in lagu horumariyo nolosha dadka. Arrinta kale ee jirta ayaa ah baaxada dhulka magaalada laga dhisayo, markii hore shirkadda waxaa loo ogolaaday 12 acre oo kaliya, balse hadda waxa ay doonaysaa in ay dhisato meesha oo dhan , taasoo ah 325 hiktar, waxayna ka dhignaanaysaa dhul boobkii ugu weynaa. Waxaa kale oo shirkadan lagu qabsaday in aanay xidhiidh toos ah la samaynin dowladda hoose ee Toronto, balse taas baddalkeeda ay si hoose ula xidhiidhaysay shirkad loo xil saaray meesha ay doonayso in ay magaalada ka dhisto. Sharciyo waxaa jira sharciyo ay magaalada Toronto leedahay oo laga yaabo in Google ay hareer marayso, waxaana ka mid ah sharciyada tartanka xorta ah haddii ay tahay in dhulkaas shirkad lagu wareejiyo. Fikradaha Casriga ah ee Shirkadda.

Shirkaddu waxa ay la timid fikrado casri ah oo ay magaalada uga shaqaysiiso

– Baabuur kaligood is wadaya

– Dhismayaal ka samaysan alwaax , kuwaas oo gudaha qofka naqshadda sida uu doono u badeli karo

– Barnaamij lagu xakamayn karo cimilada si dadka waqti badan ugu qaadan karaan banaanka. Waxaa jira meel ay dadka ka gali karaan roobka iyo waliba qalab kulaylka ah oo ay kulaali karaan marka uu qabowga jiro. Qorshahani waxa uu yahay oo kale in la dhiso magaalooyin ku habboon deegaamaynta, iyada oo la’isku dayayo in laga maarmo dhismayaasha dhagaxa, carrada iyo birta ka kooban. Waxaa tusaalaha ugu wanaagsan laga qaadanaya magaalooyinka yaryar ee ceynka oo kale ah sida tan ku taala Abu Dubai ee Masdar iyo tan Songdo ee Kuuriya Koonfureed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here