Shirkada Beeyada Ee ASLI Maydi Waxay Qayb Libaax Ka Qaadatay Horuumarinta Gobolka Sanaag

0
58
Lawadaag Asxaabta...

Ceerigaabo, September 24, 2018- (Foore)- Beeyadu waxay ka mid tahay khayraadka dabeeciga ah ee Ilaahay SWT, ku manaystay Somaliland, gaar ahaana gobolka Sanaag oo uu qani ku yahay, taasoo waxtar wayn u leh qarankan somaliland iyo bulshada ku dhaqan gobolka sanaagba.

Horuumarinta beeyada iyo ka faa’iidaysigeeda waxaa door muhiim ah ka ciyaartay shirkada wadaniga ah ee ASLI Maydi, taasoo Somaliland, ku soo xidhay suuq caalami ah oo dibeda ah, sidoo kale qayb muhiim ah ka qaadatay horuumarinta gobolka Sanaag, oo ay waxbadan ka qabatay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhismayaasha xarumaha gobolka ee dowlada. Shirkadan ASLI Maydi, oo uu madax ama uu aas-aasay ganacsadaha caanka ah ee Barkhad Jibriil Xasan, shirkadani waxay tusaale fiican guud ahaan somaliland, gaar ahaana gobolka Sanaag, iyada oo ay muuqato sida ay shirkadan uga go’antay in ay qayb libaax ka qaadato horuumarinta gobolka Sanaag, oo ah gobol ballaadhan khayraad badanina ku tuugan yahay, taasoo u baahan in gobolka looga faa’iideeyo khayraadkiisa. Sidoo kale waxaa hubaal ah hadii Gobolka Sanaag, si buuxda ay xukuumaddu ugu taageerto in shirkada ASLI Maydi, ay ahaato shirkada suuq geyn karta beeyada wax wayn ayaa iska bedelaya gobolka Sanaag, gaar ahaana dhinaca horuumarka.

Hadaba waxaa muhiim ah in laga ilaaliyo in la siyaasadeeyo shirkadaha dalka wax u soo kordhinaya ee faa’iidada u leh, sidoo kale xukuumadda waxaa la gudboon in ay taageerto shirkaan keenay maalgashiga ee suuqyada u soo heshay beeyada, taasoo ah shirkada ASLI Maydi.  shirkada  ganacsiga  Beeyada ee ASLI Maydi, waa shirkad wadi ah oo u taagan in ay bulshada wax u soo celiso sidoo kale ay wax ka qabato baahiyaha bulshada haysta, waana shirkad waxbadan gashatay somaliland iyo horuumarkeeda.

Shirkada ASLI Maydi, waxay wax badan ka bedeshay horuumarka iyo nolosha bulshada ee gobolka Sanaag, iyada oo bulshada waxbadan kala qabatay dhinacyada adeegyada aasaasiga ah oo ay u horayso iskuulo meelo badan ay ka dhistay goobo caafimaad oo ay ka mid tahay dhaskhtarta wayn hada  ka socda magaalada Ceerigaabo iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa shirkada ASLI Maydi, ha ka faa’iidaystaan reer Sanaag, hana soo dhoweeyaan waxkasta oo maalgashi laga fulinayo gobolka, waana in ay kala gartaan cida wax u qabanaysa iyo cida aan waxba u qabanayn.

Waxaa kale oo muhiim ah in dowladu wax badan la fududayso shorkada ASLI Maydi, oo bulshada ugu jirta kaalin muhiim ah, waana shirkad markasta faa’iidadeeda ka hor marisa baahiyaha shacabka gobolka Sanaag, waana sababta ay u noqotay shirkad bulshadu jeceshay oo markasta ay ku tiirsan yihiin.

ASLI Maydi, waa astaan u taagan horuumarinta caafimaadka, horuumarinta waxbarashada, horuumarinta biyaha iyo guud ahaanba arrimaha bulshada ee aas-aasiga ah, waana shiarkad bulshada uga faa’iidaysey kaa ganacsiga Beeyahada. Cabdillaahi Yare, Ceerigaabo, Sanaag,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here