Shaxda Macquulka Ah Ee Paris Saint-Germain Vs Ma United-Ayaa Labada Kooxood Ugu Soo Bilaaban Kara Kulanka Lawada Sugayo?

0
70

Paris (Foore)- Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United ayaa isku haleelaya Paris kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood iyada oo Man United ah kooxda uu culayska ugu wayni ku saaran yahay in ay ka soo kabsato guuldaradii 2-0 ka ahayd ee ay Paris Saint-Germain kagala kulantay Old Trafford.

Man United waxaa dhibaato wayn ku haysa dhaawacyada ciyaartoyda badan ee seegaya kulanka PSG iyada oo waliba Ole Gunnar Solskjaer uu magacaabay ciyaartoy da’yar ah oo liiska kooxdiisa ku soo baxay isla markaana Paris u safray kuwaas oo ay suurtogal tahay in ay fursad ka heli karaan kulanka Champions League.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxa macquulka ah ee ay suurtogalka tahay in Manchester United iyo PSG ay ku soo shirtagi karaan kulanka la wada sugayo ee Paris ka dhici doona.

Aan ku horaynee Manchester United waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona toban ciyaartoy oo kala ah  Paul Pogba oo ganaax ku maqan iyo xidigaha kale ee dhaawaca ku maqan oo kala ah Nemanja Matic,  Phil Jones, Jesse Lingard, Juan Mata, Ander Herrera,  Alexis Sanchez, Antonio Valencia, Matteo Darmian iyo Anthony Martial.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ku soo daray 6 ciyaartoy oo da’yar ah iyada oo 8 ka mid ah ciyaartoyda uu Paris ula safray ay yihiin kuwo ka soo baxay xarumaha da’yarta Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here