Shabakadda Foore Oo Ogaaday Masuuliyiinta Dabada Ka Riixaya In Xilka Laga Qaado Maayarka Gabiley Oo Qarka U Saaran Inuu Kalsoonida Golaha Waayo.

0
222

Gabiley(Foore) – Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa shaaca ka qaaday masuuliyiin miisaan culus oo dabada ka riixaya in kursiga la waydaariyo Maayarka Golaha Deegaanka Gabiley.

Wararkan aanu helayno ayaa shaaca ka qaaday in masuuliyiinta maayarkan iyo ku xigeenkiisa kursiga waydaarinaya uu ka mid yahay, islamarkaana uu ugu horeeyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gabiley.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee Nuux Taani arintan dabada uga riixayo ama ku kaliftay, balse warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay masuuliyiin Gobolka Gabiley ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay warkan, waxaana ay noo sheegeen in  Nuux taani iyo Maayar Amiin isku seegeen meel Wado ah oo uu taliye Nuux Taani Dhisanayay taasi oo uu Maayar Amiin ka hor istaagay. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in intaasi ka dib uu Nuux Taani go’aan ku qaatay inuu Talada waydaariyo.

Dhaqaaq xooga iyo iska caabin ayaa ka dhex aloosan Maayarka Gabiley iyo mudanayaasha Golahaasi, waxaana si weyn loogu dheg taagayaa halka ay arintu iskugu biyo shubato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here